SAWIRRO: Kooxda Ceel-hindi oo gaartay guushii labaad tartanka cayaartoyda maqalka la’
Kooxda kubbadda cagta Ceel-hindi ayaa gaartay guushii labaad oo xiriir ah guruubka B tartanka cayaartoyda maqalka la’ kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Towfiiq.
Kulankan oo ahaa kulamadii labaad ee heerka guruubyada tartannka cayaartoyda maqalka la’ kooxda Ceel-hindi waxaa hoggaanka cayaarta u dhiibay lambarka 9-aad Maxamed Ibraahim daqiiqadii 4-aad, waxaana xusid mudan in cayaaryahankan uu isla daqiiqadan oo kale gool u dhaliyay kulankii hore kooxdiisa Ceel-hindi oo guul ka gaartay kooxda Baar Ubax kulankii koowaad ee tartankaa cayaartoyda maqalka la’
Maxamed Ibraahim oo bandhig wanaagsan muujiyay ayaa dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa daqiiqadii 15-aad ee kulanka, intaas kuma harin wuxuu mar kale dhaliyay goolkiisa saddexaad ee kulanka daqiiqadii 37-aad taas oo ka dhigan inuu dhaliyay 4-gool labadii kulan uu u cayaaray kooxdiisa Ceel-hindi.
Dhanka kale kooxda kubbadda cagta Towfiiq goolka ay dhaliyeen waxaa u saxiixay cayaaryahanka lambarka 7-aad Mahad Cali daqiiqadii 38-aad waxaana kubbadaasi uu ka toogta meel ka fog goosha Ceel-hindi wuxuuna goolkaasi ka mid yahay goolasha ugu quruxda badan ee laga dhaliyay tartanka cayaartoyda Maqalka la’ natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 3-1 oo ku adkaatay kooxda Ceel-hindi.
Garsoore Axmed Baroodo oo ahaa garsooraha kulanka ayaa bixiya seddex kaar oo ah kaarka digniinta waxaana labo kamid ah qaatay cayaartoyda kooxda Towfiiq xiddigaha kala ah Maxamed Xassan lambarka 8-aad iyo lambarka 7-aad Mahad Cali halka kooxda Ceel-hindi loo taagay kaliya cayaaryahanka lambarka 4-aad Cabdicasiis Salaad, ma jirin kaar kale oo la bixiyay kulankan u dhexeeyay kooxaha Ceel-hindi iyo Towfiiq.
Si kastaba kooxda Ceel-hindi ayaa gaartay guushii labaad oo xiriir ah tartanka cayaartoyda maqalka la’ taas oo ka dhigan iney uruursadeen lix dhibcood.






