WARBIXIN: Tartanka kubbadda cagta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2022.
Maamulka cayaaraha kubbadda cagta Gobolka Banaadir ayaa soo saaray liiska isku aadka tartanka kubbadda cagta Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.
Xafladdii qori-tuurka tartanka Degmooyinka & Deegaanada Gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho maalinimadii khamiista taariikhdana ku beegneed 13/July-2022 , waxaa ka soo qaybgalay Madaxda Cayaaraha Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha guud iyo Agaasime waxeedyada, Gobolka Banaadir cayaartoy hore, Madax ka socotay xiriirka k/kolayga, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Macallimiinta Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.
Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Cayaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish, wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Maamulka Gobolka Banaadir howlo wanaagsan ka soo qabteen tartanka Degmooyinka & Deegaanada Gobolka Banaadir, isagoo intaa ku daray in weli aysan joogin halkii loo baahnaa rajo wanaagsana ay ka qabaan sidii ay ku hormarin lahaayeen tartamada Cayaaraha Gobolka Banaadir.
Hadal jeedinta xafladda qori-tuurka waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Basma Caamir Shekeeti, oo sheegtay in tartamada noocaan oo kale ay yihiin kuwo ay isku bartaan bulshada Gobolka Banaadir sidoo kale faa’’iido ay ku qabaan kooxaha ka jiro dalka si ay u helaan cayaartoy tayo sare leh.
Cabdullaahi Nuur Caddaani oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Kolayga oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay xafladda ayaa sheegay haddii aan la qaban tartamada Degmooyinka aan la heli laheyn cayaartoy matasho xulka qaranka iyo kooxaha heerka koowaad ee dalka, wuxuuna kula dardaarmay madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iney xoogga saaraan joogteynta tartamada Gobolka.
Axmed Muuse oo ah cayaartoy hore oo magac ka sameeyay tartanka kubbadda kolayga oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horomarka cayaaraha kale duwan sanadihii ugu dambeeyay ay ahaayeen kuwo sameeyay hormar la taaban karo wuxuuna Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqay iney sii hormariyaan cayaaraha.
Markii ay soo dhammaadeen khudbadaha waxaa la sameeyay qori-tuurka tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.
Degamada Dharkenley oo difaacaneyso tartanka degmooyinka oo hoggaamineytso guruubka A waxaa kula jiro degmooyinka iyo deegaanada kala ah Boondheere, Kaxda, Daarusalaam iyo Gubadley.
Guruub B oo ah guruubyada ugu adag waxaa ku wada jiro degmooyinka kala ah Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis, C/casiis iyo Garasbaaley.
Guruub C oo ah guruubka ugu adag waxaa ka soo muuqday degmooyinka kala ah Warta-nabadda, Xamar Jajab, Heliwaa, Waaberi iyo Deyniile.
Guruub D oo ah guruubka ugu dambeeyo waxaa ku wada jiro degmooyinka kala ah Shingaani, Wadajir, Hodan, Xamar Wayne, Howl-wadaag.
Haddaba hoos ka eeg Jadwalka isku aadka tartanka degmooyinka & deegaanada gobolka Banaadir
Si kastaba tartanka kubbadda cagta Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir waxaa ku guuleysatay sannadkii hore 2021 Degmada Dharkenley halka kaalinta labaad ay gashay Degmada Warta-nabadda.
WQ/ Axmed Maxamed Xasan Daacad