Breaking News

SAWIRO: Kooxda Shiirkole oo gaartay afar dhammaadka tartanka cayaartoyda maqalka la’ sannadkii labaad oo xiriir ah.

Kooxda kubbadda cagta Shiirkole oo difaacaneyso tartanka cayaartoyda maqalka la’ ayaa gaartay afar dhammaadka tartanka kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Seybiyaano kulan ka tirsanaa wareegga sideed dhammaadka tartanka cayaartoyda maqalka la’.

Cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan waxey labada kooxdood muujiyeen bandhig aad u wanaagsan, Sharmaarke Salaad oo ka tirsan kooxda Seybiyaano ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 14-aad ee kulanka kaas oo cayaarta ka dhigay 1-0,

Hase yeeshee afar daqiiqo kaddib ayey iska soo barbareeyeen kooxda Shiirkole waxaana u saxiixay Cabdiqani Cusmaan daqiiqadii 19-aad ee cayaarta, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 1-1 oo labada kooxood ay isku mari waayeen.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii kooxda Shiirkole ayaa la timid goolka guusha waxaana u dhaliyay Najiib Maxamed daqiiqadii 29-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 oo ku adkaatay kooxda Shiirkole.

Garsoore Axmed Jimcaale ayaa bixiyay shan calaamad oo ah kaarka digniinta iyo hal calaamad oo ah kaarka casaanka, waxaana saddex ka mid ah la siiyay xiddigaha kooxda Seybiyaano lambarka 8-aad, C/qani Salaad lambarka 5-aad Sharmaake Salaad iyo lambarka 4-aad Cusmaan Xasan oo cayaarta laga saaray kaddib markii uu qaatay kaarkii labaad.

Kooxda Shiirkole dhankooda waxey qaateen labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana kala qaatay lambarka 10-aad, C/qani Cusmaan iyo lambarka 8-aad, C/wahaab Shire, ma jirin calaamad kale oo la siiyay cayaartoyda kooxda Shiirkole.

Si kastaba kooxda kubbadda cagta Shiirkole ayaa iska xaadirisay afar dhammaadka tartanka kubbadda cagta cayaartoyda maqalka la’ sannadkii labaad oo xiriir ah waxaana ay sugi doonaan kooxdii soo adkaato kooxaha Ceel-hindi & Juungal oo galabta wada cayaari doono.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button