SAWIRO: Kooxda Xaafadda Juungal oo u guddubtay afar dhammaadka tartanka cayaartoyda maqalka la’
Kooxda kubbadda cagta Juungal ayaa u guddubtay wareegga afar dhammaadka tartanka cayaartoyda maqalka la’ kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay kooxda Ceel-hindi.
Cayaarta oo ahayd mid aad u adag waxey labada dhinac soo bandhigeen kubbad awood ahaan garbo siman ku socotay, kooxda Juungal ayaa hoggaanka cayaarta qabatay daqiiqadii 4-aad kaddib markii gool (Own Goal) uu iska dhaliyay Cabdikariin Xasan oo ka tirsan kooxda Ceel-hindi.
Hase yeeshee kooxda Ceel-hindi ayaa la timid goolka barbaraha cayaarta daqiiqadii 16-aad waxaana u saxiixay lambarka 9-aad Maxmed Ibraahim, qaybtii koowaad ee cayaarta ayaa lagu kala maray 1-1 oo la isku mari waayay.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka waxaa mar kale shabaqa kooxda Juungal gaaray Maxamed Ibraahim oo cayaarta ka dhigay 2-1 daqiiqadii 33-aad, cayaartoyda kooxda Juungal ayaa durbo ka jawaabay goolkii laga dhaliyay labo daqiiqo gudaheed waxaana u saxiixay Cusmaan Cali kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday kubbad ahayd laadka xurta ( Free Kick) kaas oo cayaarta ku soo celiyay 2-2 daqiiqadii 35-aad ee kulanka.
Dhammaadkii kulanka ayey heleen goolka guusha cayaartoyda kooxda Juungal waxaana u dhaliyay Idiris Abuukar daqiiqadii 40-aad, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 3-2 ay ku adkaatay kooxda Xaafadda Juungal.
Garsoore Axmed Jimcaale ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta iyo hal casaanka lambarka 6-aad C/kariin Xasan ayaa la siiyay kaarka digniinta halka C/Casiis Salaad oo lambarka 4-aad loo taagay calaamadda casaanka dhanka kooxda Juungal kaliya waxaa loo diiwaangaliyay hal kaar oo ah kaarka digniinta waxaana la siiyay Cabdi Cali oo lambarka 7-aad u xirto kooxda Juungal.
Si kastaba Kooxda Juungal ayaa la cayaari doonto afar dhammaadka tartanka cayaartoyda maqalka la’ kooxaha kala ah Buul Xubey & Towfiiq oo galabta wada cayaari doono.







