SAWIRRO: Kooxda Juungal oo ku guulaysatay koobii cayaartoyda maqalka la’
Kooxda kubbadda cagta Juungal ayaa ku guulaysatay tartankii kubbadda cagta cayaartoyda maqalka la’ kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Shiirkole oo difaacaneysay koobkan maadaama ay sannadkii hore ay ku guulaysatay.
Kulanka oo ahaa mid kama dambeys ah waxaa garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada kooxood Juungal & Shiirkole oo wada cayaaray fiinaalka tartanka cayaartoyda maqalka la’
Kooxda kubbadda cagta Juungal ayaa soo bandhigtay cayaar weerar ku dhisan taas oo keentay iney ka fursad badneed dhanka kooxda Shiirkole, labo gool ay kala dhaliyeen cayaartoyda kala ah Cabdiladiif iyo Cusmaan Cali oo ka tirsan kooxda Juungal ayaa lagu kala maray qaybtii koowaad ee kulanka.
Marka dib la isugu soo laabtay qabtii labaad ee cayaarta kooxda Shiirkole waxey abuureen fursado goolal loo filan karay, hase yeeshee uma suurogelin iney dhaliyaan gool waxaana quusiyay kooxda Shiirkole cayaaryahanka lambarka lambarka 4-aad Maxamed Bashiir oo ka dhaliyay goolka saddexaad ee cayaarta natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 3-1 ay ku adkaatay kooxda Juungal oo noqotay horyaalka cayaartoyda maqalka la’ markii ugu horreysay.
Garsoore Najiib Maxamed ayaa bixiyay afar calaamad oo ah kaarka digniinta waxaana saddex ka mid ah loo taagay cayaartoyda kooxda Juungal xiddigaha kala ah lambarka 4-aad Max’ed Bashiir, lambarka 8-aad Xuseen Bilaal, iyo lambarka 9-aad Cabdiladhiif, dhanka kooxda Shiirkole kaliya waxaa la siiyay hal kaar oo ah kaar digniinta waxaana loo taagay cayaaryahanka lambarka 4-aad Najiib Max’ed Xasan, ma jirin kaar kale oo la bixiyay.
Markii cayaarta soo dhammaatay waxaa la bixiyay abaalmarino kala duwan oo la siiyay qaar ka mid cayaartoydii bandhiga wanaagsan ka sameeyay intii uu socday tartanka cayaartoyda maqalka la’ waxaana garoonka ku sugnaa maamulka Astaan Sports iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay cayaarta kama dambeysta ee u dhexeesay kooxaha Juungal & Shiirkole.
Si kastaba Asataan Sports ayaa sannadkii labaad oo xiriir ah u qabatay tartankan cayaartoyda maqalka la’ ee ku nool caasimada Muqdisho waxaana sannadkii hore ku guulaysatay kooxda Shiirkole oo sannadkii labaad soo gaartay fiinaalka walloow ay guuldarro kala kulmeen kooxda Juungal oo markii ugu horreysay ku guulaysatay tartanka cayaartoyda maqalka la’