SAWIRRO: Da’yarta Istar Academy oo tababar ku sameeyay mid ka mid ah garoomada xaafadda Seybiyaano.
Istar Academy oo ah koox dhallinyaro ah oo ka dhisan Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ayaa tababar ku sameeyay mid ka mid ah garoomada kubbadda cagta ee Xaafadda Seybiyaano.
Da’yartan waxaa gacanta ku hayo macalimiin Soomaaliyeed oo jacel hormarka kubbadda cagta ee dalka, walloow aysan jirin koox ama Degmo ay hoos tagaan Akadeemiyadan ka dhisan Xaafadda Seybiyaano.
Macalin Mahad oo tababarka siinayay cayaartoyda kooxda Istar Academy ayaa Astaan Sports u sheegay in kooxdan ay tahay koox dhammeystiran oo fursad u ah iney ka faa’ideystaan kooxaha ka jiro dalka iyo Degmooyinka isku diyaarinayo tartanka kubbadda cagta Degmooyinka oo dhawaan la sameeyay isku-aadkiisa.
Qaar ka mid ah cayaartoyda kooxda Istar Academy oo la hadlay Astaan Sports ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada Astaan ay ugu timid garoonka ay ku sameenayeen tababarka waxeyna intaa ku dareen in ay haystaan agab kasto oo loogu talagalay kooxaha kubbadda cagta rajo wanaagsan ay ka qabaan iney noqdaan akadeemiyadii ugu fiicneed ee ka soo baxdo Dalka.
Si kastaba kooxda Istar Academy ayaa kulamo saaxibtinimo la cayaarto kooxaha ka dhisan degmooyinka Gobolka Banaadir iyagoo mararka qaar safar ku tago Gobolada Dalka si ay ugu soo cayaaraan kulamo saaxiibtinimo.
WQ/ Axmed Maxamed Xasan ”Daacad”