Tartanka Kubbadda Kolleyga Dagmooyinka iyo Deegaannada G.Banaadir oo galabta ka furmi doono garoonka Wiish.
Tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir ayaa galabta ka furmi doono garoonka Wiish Stadium, ee Degmada Cabdicasiis.
Kulanka furitaanka tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir waxaa galabta wada cayaari doono Degmooyinka Howlwadaag iyo Wadajir waa mid ka mid ah kulamada ugu adag Guruubka A oo kooxahan ku wada jiraan.
Tartankan ayaa isku-aadkiisa la sameeyay bishii hore July, waxaana sannadkan ku cusub Deegaannada Daarusalaam, Garasbaaley, iyo Gubadley oo markii ugu horreysay ka qaybgalayo tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Dhammaan 17-Degmo iyo saddexda Deegaan ee ku cusub tartanka ayaa tiro guud ka dhigayo 20-koox oo loo qaybiyay afar Guruub oo min shan koox ah

Muddo shan sano lama qaban tartankan hase yeeshee maanta ayey suurogashay in la qabto, kualanka u dhexeeyo Degmooyinka Howlwadaag & Wadajir waa kulan aad u xiiso badan inta badan dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad u xiiseeyo daawashada cayaarha kubbadda kolayga oo sannadkan xiiso gaar ah le maadaama ay ka qaybgalayaan saddex deegaan oo ku cusub,

Si kastaba Degmada Wadajir oo galabta cayaareyso kulanka furitaanka ayaa ah kooxda difaacaneyso tartanka kubbadda Kolayga oo sannadkii 2018-kii ku guulaysatay.
WQ/ Axmed Maxamed Xasan ”Daacad”