Breaking News

SAWIRRO: Akadeemiyadda Wigan oo kulan saaxiibtinimo la cayaartay koox ka dhisan D.Howl-wadaag.

Wigan Academy waa koox dhallinyaro ah oo ka dhisan Xaafadda Galmudug ee Deegaanka Garasbaaley, waxey shalay kulan saaxiibtinimo oo loogu dabaal-dagayo xilligii la aas-aasay la cayaareen koox ka dhisan Degmada How-wadaag oo lagu magacaabo New Stars.

Kulankan oo lagu cayaaray mid ka mid garoomada kubbadda cagta ee Xaafadda Galmudug waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha cayaaraha Deegaanka Garasbaaley Faa’is Keyse iyo Xoghayaha cayaaraha Deegaanka Maxamed Maxamuud iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha cayaaraha Deegaanka Garasbaaley Faa’is Keyse oo hadal kooban ka jeediya ka hor inta aan la baasan cayaarta ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Wigan muddada sanadka ah ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Akadeemiyadd Wigan, isagoo intaa kudaray in tani ay qayb ka tahay hormarka cayaaraha Deegaanka Garasbaaley.

Cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan oo u soo daabasho tageen dhallinyarada Xaafadda Galmudug  waxay natiijada cayaarta ku soo dhammaatay 5-3 ay ku adkaatay Akadeemiyadda Wigan oo shalay ku beegneed xilligii la aas-aasay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button