SAWIRRO: Degamada Wadajir oo heshay guushii koowaad tartanka k/koleyga Degmooyinka.
Degmada Wadajir ayaa gaartay guushii koowaad Guruubka A tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir kaddib markii galabta ay garaaceen wiilasha k/koleyga Garasbaaley.
Degmada Wadajir oo tartanka kubbadda koleyga difaacaneyso ayaa heshay qaybtii koowaad dhibco gaarayo 23 halka Garasbaaley la timid kaliya 7 dhibic.
Qaybtii labaad labada Degmo ayaa kala helag 61-25 oo ku adkaatay Degmada Wadajir oo tartankan kubbadda koleyga ku guulaysatay sannadkii 2018-kii oo ahayd markii ugu dambeysay oo la cayaaro.
Kulankii galabta waxaa garsoorayaasha dhexda kala ahaa Maxamed Axmed Calasow iyo Bile Cabdi Cabdalla.
Guusha Degmada Wadajir ay galabta gaartay ayaa u ahayd mid muhiim, maadaama kulankii hore ay guuldarro kala kulmeyn Degmada Howl-wadaag halka Deegaanka Garasbaaley rajadooda ay sii xumaneyso waxaana kulanki hore ka soo adkaatay Deegaanka Daarusalaam galabtana Wadajir ayaa ka adkaatay tartanka kubbadda koleyga Degmooynka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.







