Breaking News

Muxuu ka yiri Abdullaahi Black Barnaamijkii Taageere Saalax Faarax (AUN)

Guddoomiye Abdullaahi Black ayaa qalinka u qaatay warbixin uu ka qoray AUN taageerihii caanka ahaa ee Degmada Dharkenley Saalax Faarax Jaamac Geelle oo 9-kii bishan Agoosto ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, kaas oo Astaan Sports dhawaan u sameysay Barnaamij gaar ah oo looga hadlayay taariikhdiisa Sports.

Qormadan inaan qalinka u qaato waxay igu dhalatay markii aan dhagaystay barnaamijkii Tooska “Live-ka” ahaa ee Astaan Sports u sameysay tacsidii Taageere Saalax Faarax AUN.

Barnaamijkaa tooska ah waxaa daadihinayay Agaasimaha Astaan Sports Mudane Max’ed Cabdi Muudey waxaana marti ugu ahaa Khabiir Isboorti Mudane Saciid Axmed Abuukar “Saacid”, barnaamijka wuxuu wax badan ka xusay taariikhdii isboorti ee Taageere  Saalax Allaha u naxariistee, waxaa kaloo lagu soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro xuusus reeb ah oo laga qaaday intii uu ku gudo jiray howlihiisii taageerennimo, waxaana khadka taleefanka loo furay daawayaasha oo fursad u helay tacsiyeyn iyo duco intaba.

Barnaamijka oo dhan ima uusan soo jiidan ee muuqaal waqtigiisu ahaa Labo daqiiqo iyo 18 Ilbiriqsi, oo daahfur u ahaa barnaamijka ayaa si gaar ah ula dhacay, waxaa muuqaalkaas diyaariyay wiil dhallinyaro ah oo la yiraahdo Ciise Talyaani, oo aynaan is aqoon, balse la ii sheegay inuu yahay weriye dhigaalka iyo dhihiddaba mustaqbal fiican ku leh.

Afartan sadar ee jacburka ah ayaan ku hadal fur-firtay qormadaydan anigoo ku hadal qabsaday Ciise, kuna iri:

In dhowaydba Ciisow, qoraal waanigan dhigine,

Waataan ka saahidey sports sadaradiisiiye

Sagootintaadii taageere, si uunbay ii toosisaye

Aan sunto oo sadareeyo, sowtkaagii I salay.

(Afeef: Afartan sadar yaan lagu eegin indho maanso, oo yaan la igu qabsan qaladdaadka ka buuxa)

Saalax Faarax Jaamac (AUN) wuxuu ahaa taageere Degmada Dharkeynley, maalintii Taalaadada 9ka bishan Agoosto 2022, ayuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Saalax inkastoo muddo badan uu taageere u ahaa degmadiisa, haddana wuxuu si wayn u soo caan baxay xilligii uu socday Tartankii Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir ee sanadkii 2021kii.

Saalax wuxuu ahaa taageere runtii ay u wada dhammaystirnaayeen sifooyinka taageere dhab ah, wuxuu ahaa madadaaliye aan daalin, wuxuu ahaa kiciye dareenka taageerayaasha oo marka ay is wada biirsadaan xoog iyo xamaasad gelin jirey Kooxda Degmadiisa.

Wuxuu lahaa dhaqdhaaq soo jiidasho leh oo uu ku kicin jiray taageerayaasha ay deegaan wadaagga yihiin si ay u wada dhiirogeliyaan degmadooda. Taageere Salaax wuxuu soo jiitay dhammaan indhaha taageerayaasha iyo daawadayaasha tartankii degmooyinka sanadkii hore 2021kii oo laga daawaday daafaha dunida oo idil.

Wuxuu kaloo soo jiitay indhaha weriyeyaasha oo kaamirooyinkoodii la daba-kacay taageere Saalax si ay u tabiyaan dhaqdhaqaaqiisa iyo nolshiisa taageerennimo. Astaan TV ayaa qayb libaax ka qaadatay kor u qaadidda iyo soo caan baxa taageere Saalax. Hal barnaamij oo ay ka samaysay Taageere Saalax ayaa waxaa baraha Bulshada ka daawatay ku dhowaad 2 milyan oo qof.

Labada daqiiqo ee uu diyaariyay Mr. Talyaani, waxaa ka muuqda inuu yahay qof aad ugu fiican luqadda af Soomaaliga, Barnaamijkiisii wuxuu ku daahfurtay muuqaalka ambalaastii sidday maydka Allaha u naxariisto Taageere Saalax oo sii dhaqaaqaysa, wuxuuna qormadiisa ku bilaabay:

“Taayarkan sii wareegaya waxa uu dunida ka sii qaaday taariikh la nooleyd kubadda cagta Gobolka Banaadir, aan iraahdo bahda ciyaaraha Soomaaliyeed. Maalmihiisii nolosha wuxuu ahaa jir u dhaqdhaqaaqa dhiirigelinta dhallinyarada, Dharkeynleyse xubin u nool oo sanka ay ku neefsato u ahaa hanashadeedii koobka degmooyinka iyo deegaannada G/Banaadir ee kal hore.

Allaha u naxariistee Saalax Faarax cagta waxay u saarnayd surka, kubadduna marna kama fogaan indhihiisa, rajadiisuna kama hoos marin guulaha ay u qalanto degmadiisa Dharkeynley tartanka dhowaan furmaya, balse hiigsi kasta waxaa ka soo dheereeya qoraalkii RABBI ( waa geerida’e).

Saalax Faarax Jaamac tartankii degmooyinka ee sanadkii hore wuxuu ka dhigay mahadhooyin, wuxuuna qayb wayn ka ahaa hanashada Degmadiisa ee koobkii tartanka degmooyinka 2021.

Daafac aan garoonka ku jirin ayuu ahaa, marna weeraryahan aan gool u dhalin, balse dabbaaldeggiisa  caawin ayuu u ahaa xammaasadaha dhallinta goolasha. Kol kale wuxuu ahaa dhexda wareegta ee aan qaybin kubadda, baasaskiisu waxay ruxayeen tarbuunka. Gool kasta oo dhalata caawiye iyo farsameeye ayuu afka kaga ahaa. Ammin kale wuxuu ahaa tababbaraha aan laylin cayaaryahannadiisa, balse Ustaad ay ka daba-qaataan u ahaa taageerayaasha degmadiisa.

Mar kale wuxuu ahaa hantiilaha kooxdiisa, dhaqaale kuma yeelan laakiin dhiig ayuu ku yeeshay, wuxuu bilow dhalasho ilaa dhamaad dhimasho ugu astaysnaa nolosha bulsho tiir lama dhiibaan ah, marna muraayad u ahaa halka loo socdo.

Faarax aamusnaan ayuu nagu sagootiyay, laakiin erayadiisa, hadalladiisa, dhaqdhaqaaqa jirkiisa ayaan marnaba ka baxayn xasuusaha bahda isboortiga. Dharkeynley waxay kolkaan tartami doonaan, Faarax oo ka fog in aan la cabbiri karin, laakiin ka dhow in aan la qiyaasi karin, maaddaama laabta dadkiisa uu weli ka sii dhaqdhaqaaqayo.

Faarax tegistiisa murugo keliya may abuurin ee waxay bilow u noqotay tebid aan dhammaad lahayn inta la sii joogo nolosha”.

WQ/C/llaahi Max’ed Xasan “Black”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button