Breaking News
SAWIRRO: Degmada Howl-wadaag oo gaartay guushii saddexaad tartanka kubbadda koleyga.
Degmada Howl-wadaag ayaa gaartay guushii saddexaad oo xiriir ah tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.
Wiilasha kubbadda koleyga Degmada Howl-wadaag ayaa shalay ka adkaaday Deegaanka Daarusalaam dhibco gaarayo 52-50 waxey ahayd cayaar labada dhinac ay muujiyeen dadaal ugu dambeyntii Degmada Howl-wadaag ayaa guulaysatay.
Guusha ay gaartay Degmada Howl-wadaag ayaa ka dhigan iney hoggaanka Guruubka A ku horkaceyso 6-dhibcood maadaama saddexda kulan ay la cayaartay Wadajir, Kaaraan, iyo Daarusalaam ay ka adkaatay kaliya hal kulan oo kale haddii ay adkaato waxey xaqiijin doonta u soo bixitaanka wareegga xiga tartanka kubbadda koley Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.






