Breaking NewsUncategorized

SAWIRRO: Degmada Shibis oo gaartay guushii labaad tartanka k/koleyga Degmooyinka.

Waxaa weli si xiiso leh u soconayo tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir, kaasoo lagu cayaaro garoonka kubbadda koleyga Wiish ee Degmada Cabdicasiis.

Degmada Shibis ayaa galabta gaartay guushii labaad Guruubka B kaddib markii ay ka adkaatay Degmada Deyniile, natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 86-21 oo Shibis guusha ku heshay.

Garsoorayaasha dhexe kulanki galabta waxey kala ahaayeen Suleymaan Shiikh Bashiir iyo Cabdisalaan Waayeel oo ka mid garsoorayaasha inta badan dhex dhexaadiyo kulamada tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.

Guruubka B Degmada Shibis ayaa hoggaanka u hayso kulankii hore waxey ka soo adkaatay Degmada Deyniile halka kulankii galabta ay garaaceen Degmada Shingaani oo maanta cayaartay kulankii koowaad ee tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button