SAWIRRO: Degmada Shibis oo u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka k/kolayga.
Degmada Shibis ayaa iska xaadirisay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir kaddib markii ay guul ka gaartay Degmada Waaberi.
Cayaarta ayaa qaybtii koowaad lagu kala nastay 32-19 oo hoggaanka ku haysay Degmada Shibis waxaana garoonka kubbadda kolayga Wiish Stadium soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada Degmo.
Qaybtii labaad ee cayaarta Degmada Shibis ayaa keensatay 57 dhibcood halka Waaberi ay la timed 51 dhibcood, Shibis ayaa kaga adkaatay Waaberi 6 dhibcood wadarta guud oo ahayd 57-51.
Degmada Shibis oo kaalinta koowaad ugu soo baxday Guruubka B iyadoo soo adkaatay dhammaan kulamadii ay soo cayaartay ayaa wajaheyso Degmada Howl-wadaag oo Guruubka A kaalinta koowaad kaga soo baxday labada Degmo ayaa ka siman inaan hal kulan laga adkaan taas oo kulanka u dhexeeyo ka dhigeyso mid xiiso gaara leh.
Kulankii galabta dhexmaray Degmooyinka Shibis & Howl-wadaag waxaa garsoorayay Suleymaan Shiiq Bashiir iyo Abuukar Muudey.
Degmooyinka Howl-wadaag & Shibis ayaa wada cayaari doono 07/09/2022 oo ku beegan maalinta Arbacada, halka Axada soo socoto la cayaari doono kulanka Fiinaalka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir sida ku cad Jadwalka xiriirka kubbadda kolayga Gobolka Banaadir.









