SAWIRRO: Degmada Howl-wadaag oo u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka k/kolayga Degmooyinka.
Degmada Howl-wadaag ayaa usoo baxday afar dhammaadka tartanka kubadda kolayga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2022, kaddib markii ay ka adkaatay wareegga sideed dhammaadka Degmada Cabdicasiis.
Cayaarta oo ahayd mid aad u adag waxey labada dhinac soo bandhigeen cayaar qurux badan, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 15-13 oo hoggaanka ku haysay Degmada Howl-wadaag.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 43-31 oo ku adkaatay Degmada Howl-wadaag waxeyna u gudubtay afar dhammaadka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.
Degmada Howl-wadaag oo weli aan laga adkaan ayaa u gudubtay wareegga afar dhammaadka iyadoo afartii kulan ee hore u soo cayaartay kulamadii heerka guruubyada soo adkaatay, halka Degmada Cabdicasii ay ku hartay wareegga sideed dhamaadka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka.
Kulankii dhexmaray Degmooyinka Howl-wadaag & Cabdicasiis waxaa garsoorayay Axmed Maxamed Mukhtaar iyo Cabdisalaan Waayeel.
Si kastaba Degmada Howl-wadaag ayaa sugi doonto Degmooyinka Waaberi & Shibis degmadii soo adkaato kulanka galabta ay ku wada cayaari doonaan garoonka Wiish Stadium ee Degmada Cabdicasiis.







