SAWIRRO: Warta-Nabadda oo guul ka gaaraty Dharkenley tartanka Orgi Cup 2022.
Degmada Warta-Nabadda ayaa ka adkaatay Dharkenley oo marti u ahayd kulan ka tirsanaa tartanka kubbadda cagta Orgi Cup 2022, oo lagu cayaaray mid ka mid ah garoomada kubbadda cagata Degmada Warta-Nabadda.
Cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa garoonka soo buux dhaafiyay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay 4-2 oo ku horkaceysay Degmada Warta-Nabadda.
Markii dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad Warta-Nabadda ayaa sii dheereysatay hoggaanka cayaarta waxeyna soo bandhigeen cayaar ku dhisneed qaab weerar taas oo keentay iney natiijada cayaarta ay ku soo dhammaato 10-7 oo ku adkaatay Degmada Warta-Nabadda.
Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa kulanka waxaa ku guulaystay Baaquli Boy oo ah hoggaamiyaha cayaartoyda Degmada Warta-Nabadda kulankii u dhexeeyay labada dhinac.
Guushii shalay Degmada Warta-Nabadda waxay ahayd guushii koowaad maadaama kulankii koowaad ay barbaro la gashay Boondheere halka guuldaradii labaad ee soo gaartay Dharkenley tartanka kubbadda cagta Orgi Cup 2022.








