Breaking News

Warbixin: Hodan & Yaashiid oo iskugu soo haray kama dambeysta tartanka k/kolayga Degmooyinka.

Degmooyinka Yaaqshiid & Hodan ayaa iskugu soo haray fiinaalka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir, oo sannadkan ka soo dhex muuqdeen 17-ka Degmo iyo saddex Deegaan oo markii ugu horreysay ka qaybgalay tartanka k/kolayga.

Degmooyinka & Deegaannada ka qaybgalay sannadkan tartanka kubbadda kolayga ayaa loo kala qaybiyay 4 Guruub oo min  shan koox ah waxaana Guruub kasto ka soo gudbay labo Degmo.

Wareegga sideed dhammaadka waxaa u soo gudbay sideed Degmo waxayna iskugu beegmeen

Howl-wadaag Vs Cabdicasiis

Shibis Vs Waaberi

Yaaqshiid Vs Wadajir

Hodan Vs Heliwaa

Dhammaan saddexda Deegaan ee kala ah Garasbaaley, Gubadley, iyo Daarusalaam ayaa ku haray cayaaraha heerka Guruubyada.

Degmada Shibis ayaa u gudubtay fiinaalka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir , kaddib markii ay ka adkaatay Howl-wadaag, cayaa ku dhammaatay 49-33.

Degmada Shibis ayaa u gudubtay fiinaalka tartanka kubbadda kolayga iyadoon laga adkaan dhammaan kulamadii ay soo cayaartay.

Dhanka kale Degmada Hodan ayaa iska xaadirisay fiinaalka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir, kaddib markii ay ka adkaatay Degmada Yaaqshiid kulan ka tirsanaa wareegga afar dhammaadka.

Natiijada cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 52-54 oo ku adkaatay Degmada Hodan .

Degmada Hodan ayaa gaartay fiinaalka tartanka iyadoon laga adkaan hal cayaar, waxaana la mid ah Degmada Shibis oo iska xaadirisay kama dambeysta tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka iyagoon laga adkaan, labada Degmo ayaa wada cayaari doono fiinaalka tartanka Degmooyinka.

Si kastaba beri oo ah Axad taariikhdana ay ku beegantahay 12/08/2022 ayaa la soo gabagabeen doonaa cayaarta fiinaalka oo u dhexeyso Degmooyinka Shibis & Yaaqshiid tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.

WQ/ Axmed Maxamed Xasan ”Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button