HORYAALADA

WARBIXIN: Kala sarreynta kooxaha 5-ta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, gooldhalinta & caawinta.

Bishii Agoosto iyo bishan sii dhamaaneysa ee Semtember, oo si xiriir loo ciyaaray kulamada 5-ta horyaal ee ugu sarreysa Qaaradda Yurub xilli ciyaareedkan 2022/2023, ayaa haatan geli doono muddo labo todobaad oo nasiino ah iyadoona la cayaari doono ciyaaraha xulalka wadamada Yurub ee Uefa Nations Legaue.

Warbixintan waxaan ku eegeynaa sida loo kala sareeyo hoggaaminta horyaalada, xiddigaha gooldhalinta ku hardamaya iyo kuwa gool caawinta ugu badan sameeyey ilaa haatan kulamadii la cayaaray.

Horyaalka Premier League 202/23:

Horyaalka wadanka England ee Premier Laegue waxaa baaqday kulamo la cayaari lahaa kaddib geeridii boqorada UK, Queen Elizabeth II waxaa baaqday min 2 kulan isbuucii 7-aad haddaba waa side kooxaha ugu dhibcaha badan Premier League 202/23.

1- Arsenal oo qaab wanaagsan ku bilaabatay ayaa cayaartay 7 kulan, 6 ka mid ah guul ayay gaartay, hal marna waa laga adkaaday 10 gool iyo 18 dhibcood ayey lambarka 1-aad ku tahay Gunners.

2- Man City oo cayaartay 7-kulan 5-kamid ah way badisay 2-kulan barbaro ayay gashay waxay dhalliyeen 17-gool waxey leeyihiin 17 dhibcood.

3- Tottenham ayaa leh 17-dhibcood iyo 11 gool, 7-kulan oo ay ciyaartay.

4. Brighon ayaa ku jirto 4-aad waxey aruursadeen 13-dhibcood & 6 gool, 6-kulan oo cayaaratay.

5- Manchester United oo qaab liidata ku bilaabatay sannadkan ayaa ku jirto kaalinta 5-aad 8 gool ayey dhalisay 8 ayaa laga dhaliyey Red Devils wax gool ahna ma lahan 12 dhibcood ayeyna la timi Man Utd oo

6 kulan ciyaartay.

6- Kaalinta 6aad waa Fulham oo leh 11 dhibcood iyo 1 gool.

7- Chelsea oo shaqada ka ceyrisay Thomas 6-kulan oo ay ciyaartay 3 ayey adkaatay, 1 barbaro ah, 2 kulan waa laga adkaaday waxaa ku maqan 1 gool oo deen ahwaxey leedahay 10 dhibcood booska 7-aad.

8. Livepoor oo xoogweynta horyaalka EPL ka mid ahayd fasal ciyaareedkan bilawga ah kuma furan bandhigii lagu yaqiin Klopp iyo xertiisa 6 kulan oo ay dheeleen 2 kulan oo guul ah, 3 bareejo iyo 1 kulan laga adkaaday ayey 9 dhibcood iyo 9 gool ku heysataa kaalinta 8-aad kooxda Reds.

Dhanka kalena gooldhalinta Premier League waxaa 11 gool ku horkacaya Haaland oo City ka tirsan Mitrovic oo Fulham ah iyo Harry Kane oo Tottenham ah min 6 gool ayey dhaliyeen halka caawinta uu ugu sareeyo Kevin De Brunye oo City ah ayaa 6 gool caawiyey, Bokaya Saka oo Arsenal ah 4 gool ayuu caawiyey iyo Bernand Silva oo isna Man City ah 3 gool caawin ayuu sameeyey.

Horyaalka Spain La Liga:

1- Real Madrid oo 6 kulan ciyaartay ayaa dhammaan wada guuleysatay 11 gool iyo 18-dhibcood ayey la timid Los Balancos waana kooxda kaliya horyaalka Spain hogaamineysa oo aan laga adkaan.

2- Barcelona ayaa 2-aad ku jirta oo 6 mar ciyaartay 5 guul iyo 1 barbaro ah ka dib 16-dhibcood iyo 17 gool ayey keensatay kooxda Catalan.

7- Atletico oo kooxda sedexaad ee ugu wayn Spain ayaa booska 7-aad ku fadhida 10-dhibcood.

Gooldhalinta La Liga waxaa 8-gool ku hoggaaminayo Robert Lewandowski oo Barcelona xagaagan kusoo biiray halka caawinta uu 3-gool ku hogaaminayo Elejandro oo Barca ah.

Seria A 2022/23:

Horyaalka Taliyaaniga oo mar ahaa kan dunida loogu jecel yahay ayaa asbuucan mar qura laga wada badiyey kooxaha waa weyn ee kala ah Inter, Juventus, Roma iyo AC Milan tan iyo 1955-tii.

1- Napoli oo 7 ciyaar dheeshay ayaa 17-dhibcood ku fadhida kaalinta 1aad.

2- Atlanta ayaa ku jirto kaalinta 2-aad waxey leedahay 17-dhibcood.

3- Udinese 16-dhibcood ayey booska 3-aad ugu jirtaa.

4- Lazio 4-aad ayey 14 dbibcood ku heysataa.

5- AC Milan oo leh 14-dbibcood ayaa 5-aad ku jirta.

6- Booska 6-aad waa Roma oo leh 13-dhibcood.

7- Inter oo kaalinta 7-aad ku jirto ayaa  leh 12-dhibcood.

8- Kaalinta 8-aad kooxda Marwada Duqda ah ee Juventus ayaa fadhida oo aruursatay 10-dhibcood.

Gooldhalinta Seria A waxaa 6 gool ku hogaaminaya Marko oo Bologna u ciyaara halka Gerrard oo Udinese ah uu  5-gool caawiyey.

Bundesliga 2022/23:

Bundesliga oo ay Bayern u awood badneyd bilawgii xilli ciyaareedkan ayaa hogaanka lagala wareegay:

1- Union Berlin oo 7-kulan ciyaartay ayaa leh 17 dhibcood.

2- Borussia Dortmund oo kaalinta 2-aad ku jirto ayaa keensatay 15 dhibcood.

5- Kaalinta 5-aad waa Bayern Munich  7-kulan oo ciyaartay 3-kulan guul ayay gaartay, 3-kulan bareejo ayay gashay, 1-kulan waa laga adkaaday, waxey aruursatay 12 dhibcood.

Gooldhalinta waxaa horkacaya Sheraldo oo dhaliyey 6-gool.

League One 2022/23:

Horyaaka League One ee France oo la ciyaaray 8 kulan PSG ayaa ku hoggaamineysa 22 gool iyo 22 dhibcood 8-kulan oo ciyaartay 7 ka mid ah guul ayay gaartay 1-kulan barbaro ayey gashay.

Gooldhalinta horyaalka faransiiska waxaa 8 gool dhaliyey Neymar, 7 gool waxaa leh Mbappe halka caawinta min 7 gool ay wada caawiyeen Messi iyo Neymar.

W/Q: Cabdiraxiin Kismaayo

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button