SAWIRRO: Cayaartoyda xulka Qaranka 17-jirada Soomaaliya oo maanta u safray Addis Ababa.
Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka safray xiddigaha xulka Qaranka 17-sanno jirada Soomaaliya waxeyna kaga qaybgali doonaan caasimadda wadanka Itoobiya ee Addis Ababa, is-reebreebka tartanka Bariga iyo Bartamada Afrika ee 17-sanno jirada 2022.
Wiilasha xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kula jira wadamada kala ah Tanzania, Ethiopia, Eritrea, iyo South Sudan Guruubka A waana Guruubka ugu adag tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika
Da’yarta mataleysaa Qaranka Soomaaliya ayaa muddo seddex bilood ah tababaro xooggan ku qaadanyey garoomada Eng. Yarisow iyo Mogadishu Stadium sidii ay natiijo miradhal ah ugu keeni lahaayeen dadka Soomaaliyeed oo ay magacooda huban yihiin.
Wiilasha xulka Qaranka Soomaaliya ayaa gaaray sannadkii 2017-dii fiinaanka tartanka 17-sanno jirada Soomaaliya, hase yeeshee waxay guuldarro kala kulmeyn Uganda.
Sannadkan waxaa ka qaybgeli doono ilaa iyo 10 dal oo uu u dhaxayn doono hardanka ku guuleysiga tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika, wadamada ka soo gudbo heerka Guruubyada waxey si toos isaga xaadirin doonan tartanka rasmiga ah ee xulalka 17-jirada Qaramada Afrika oo Algeria lagu qaban doono 2023.
10-ka wadan ee Itoobiya uu tartanka ugu furmi doono ayaa kala ah.
1. Ethiopia
2. Somalia
3. Eritrea
4. Tanzania
5. South Sudan
6. Uganda
7. Rwanda
8. Djibouti
9. Burundi
10. Sudan
WQ/ Cabdiraxiin Kismaayo