SAWIRRO: Isku-aadka tartanka k/cagta Jaamacadaha oo la soo saaray.
Waxaa la soo saaray isku-aadka tartanka kubbadda cagta Jaacamadaha 2022 oo sannadkan ay ka qaybgalayaan 33-Jaamacadood oo ku yaalo Gobolka Banaadir.
Xafladda oo iskugu jirtay bixinta Abaalmarinada tartankii kubbadda cagta Jaamacadaha sannadkii 2021 & isku-aadka tartanka sannadkan 2022 ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Astaan Tv.
Waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socday XKCS oo ugu horeeyo Guddoomiye Cali Shiine, Madaxa Suuqgeynta Cabdi Cusmaan Daamey iyo Cabdi Mugaanbe oo ka mid AH guddiga fulinta XKCS, Madax ka socotay wasaaradda waxbarashadda & wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa qudbado kala duwan ka jeediyay ka hor inta aan la sameyn isku-aadka tartanka Jaamacadaha 2022.
Haddaba maxay kala ahaayeen Abaalmarinada la bixiyay?
Jaamacadda Horseed oo ka adkaatay cayaartii fiinaalka Jaamacadda Al-Imra sannadkii hore ayaa la guddoonsiiyay lacag dhan (1,000) kun dollar.
Dhanka kale Jaacadda Al-Imra oo ku dhammaysatay kaalinta labaad tartankii Jaamacadaha sannadkii hore ayaa la guddoonsiiyay lacag dhan (500) shan boqol oo dollar.
Sidoo kale Jaamacaddii ugu wanaagsaneed tartanka waxaa la siiyay Jaamcadda Muqdisho waxey soo bandhigeen cayaar wanaag taas oo keentay in lagu Abaalmariyo.
Gooldhaliyaha ugu sareeyo tartanka kubbadda cagta Jaamacadaha 2021-kii waxaa ku guuleystay cayaaryahan Maxamed Cabaas oo u cayaarayay Jaamacadda Horseed.
Cayaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka waxaa ku guulaystay Maxamed Cabdi Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Al-Imra oo ku dhammaysatay kaalinta labaad ee tartanka Jaamacadaha 2021-kii.
Markii ay soo dhammaatay bixinta Abaalmarinada waxaa la sameeyay iskuaadka tartanka Jaamacadaha 2022, waxaana ay iskugu aadeen Jaamacadaha.
Si kastaba waa sannadkii saddexaad oo Astaan Sports ay u qabaneyso tartan kubbadda cagta Jaamacadaha Gobolka Banaadir.