SAWIRRO: Yaaqshiid oo u gudubtay wareegga afar dhammaadka Orgi Cup 2022.
Degmada Yaaqshiid ayaa u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbada cagta Orgi Cup 2022 kaddib markii ay Gool-kulaadyo kaga adkaatay dhigeeda Boondheere.
Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayaa qaybtii koowaad lagu kala maray 2-1 oo hoggaanka ku haysa Degmada Boondheere.
Qaybtii labaad ee cayaarta labada dhinac ayaa soo bandhigay cayaar weerar & weerar celis ah, kooxda Yaaqshiid ayaa la timid goolka barbaraha cayaarta waxaana natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 2-2, sida sharciga ah waxaa lagu kala saaray Gool-kulaadyo waxaana 3-1 ku adkaatay Yaaqshiid.
Degmada Boondheere oo tartanka Orgi Cup ka hartay ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday Guruubka B iyagoo keensaday 8-dhibcood halka kaalinta labaad Degmada Yaaqshiid kaga soo gudubtay Guruubka D iyagoo helay 6-dhibcood.
Si kastaba Yaaqshiid ayaa la cayaari doonto Waaberi wareegga afar dhammaadka tartanka Orgi Cup 2022 halka Hodan ay wajaheyso Wadajir.







