Breaking News

SAWIRRO: Jaamacadda Somaaliya Uniso oo ku jirto diyaar-garowga tartanka Jaamacadaha.

Jaamacadda Soomaaliya Uniso ayaa ku jirto diyaar garowgii ugu dambeeyay ka hor tartanka kubbadda cagta Jaamacadaha Gobolka Banaadir oo dhawaan ka furmi doono magaalada Muqdisho.

Ardey laga soo xulay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Soomaaliya, ayaa loo qabtay tababar lagu soo xulayo cayaartoyda ku matali doonto tartanka kubbaada cagta Jaamacadaha Gobolka Banaadir oo qabaneyso Astaan Sports sannadkii saddexaad oo xiriir ah.

Sakariye Cabdullaahi oo ka mid ah Maamulka Sports-ka Jaamacadda Uniso oo Astaan Sports kula hadlay guddaha garoonka Macquul Stadium ayaa sheegay iney ku jiraan xulashada cayaartoyda ku matali doonto tartanka Jaamacadaha, wuxuuna intaa kudaray iney rajo wanaagsan ka qabaan in sannadkan ay ku tartami doonaan hanashada koobka Jaamacadaha.

Si kastaba Jaamacadda Soomaaliya ayaa ku jirto Guruubka E waxaana kula jiro Jaamacadaha Muqdisho, Modrn, iyo Sombridge, tartanka Jaamacadaha ayaa ka furmi doono garoonka Macquul maalmaha nagu soo wajahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button