Breaking News

Jaamacadaha Muqdisho & Banaadir oo galabta wada cayaari doono fiinaalka koobka Iftin Cup.

waxaa galabta la soo gabagabeen doonaa tartanka kubbadda cagta Iftin Cup oo fiinaalkiisa wada cayaari doonaan Jaamacadaha Muqdisho & Banaadir.

Tartankan oo ah mid saddex geesood ah waxaa ka qaybgalayay jaamacadda Muqdisho, Banaadir, iyo Simad oo u dabaal-degayo sanadguuradoodii 20-aad & 25-aad tan iyo aas-aaskooda.

Jaamacadda Muqdisho ayaa ka soo adkaatay Jaamacadda Simad kulan Bug-bax ah oo labada dhinac ay wada cayaareen maalintii Axada.

Kulanka fiinaalka ayaa galabta lagu cayaari doonaa garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium ee Degmada Waaberi, waxaana jiri doono Abaalmarino kala duwan oo lagu bixin doono tartanka kubbadda cagta Iftin Cup.

Cricket championship league concept with cricket bat, ball and winning cup trophy poster or banner on blue cricket stadium background

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button