Breaking News

SAWIRRO: Jaamacadda Muqdisho oo ku guuleysatay koobka Iftin cup.

Jaamacadda Muqdisho ayaa ku guulaysatay tartankii kubbadda cagta Iftin Cup kaddib markii ay Gool-kulaadyo kaga adkaatay Jaamacadda Banaadir.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag labada dhinaca ayaa soo bandhigay cayaar awood ahaan garbo siman ku socotay, taas oo keentay in natiijada cayaarta ay ku soo dhammaato 3-3 oo labada kooxood isku mari waayeen.

Sida sharciga ah waxaa lagu kala saaray Gool-kulaadyo waxaana 6-4 ku adkaatay Jaamacadda Muqdisho oo ku guulaysatay markii ugu horreysay ee tartankan Iftin Cup.

Tartankan oo ah mid saddex geesood ah waxaa ka qaybgalayay jaamacadaha Muqdisho, Banaadir, iyo Simad, oo u dabaal-degayo sanadguuradoodii 20-aad & 25-aad tan iyo aas-aaskooda.

Markii ay soo dhammaatay cayaarta waxaa la bixiyay Abaalmarino kala duwan oo ugu horeeyo koobka Iftin Cup, waxaa garoonka ku sugnaa masuuliyiin ka kala socday Jaamacadaha, Maamulka Astaan Sports, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay cayaarta fiinaalka ee u dhexeesay Jaamacadaha Muqdisho & Banaadir.

Waa markii ugu horreysay oo Astaan Sports ay u qabato koobkan Iftin Cup Jaamacadaha Simad, Muqdiso iyo Banaadir, koobkan oo lagu weyneenayay sanadguuradoodii 20-aad & 25-aad tan iyo aas-aaskooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button