Breaking News

SAWIRRO: Degmada Shibis oo ku guuleystay tartanka K/kolleyga Degmooyinka iyo Deegaannada G.Banaadir 2022.

Degmada Shibis ayaa ku guuleysatay tartanka kubbadda kolleyga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir kaddib markii ay ka adkaatay Degmada Hodan oo markii labaad oo xiriir ah soo gaartay fiinaalka tartanka kubbadda kolleyga waxay ahayd markii ugu dambeysay oo la qabtay sannadkii 2018-kii markii ay soo gaareen fiinaalka tartanka.

Cayaartii galabta dhexmartay labada Degmo waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Bare, Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Qaybtii koowaad ee cayaarta waxay soo bandhigeen labada dhinac cayaar aad u adag waxaana lagu kala nastay dhibco gaarayo 26-25 oo hoggaanka ku haysay Degmada Shibis.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee cayaarta Degmada Shibis ayaa heshay 56-dhibcood halka Hodan ay la timid 47 waxaana 9-dhibcood ku adkaatay Degmada Shibis.

Si kastaba Degmada Shibis ayaa horey ugu guuleysatay tartanka kubbadda kolleyga sannadkii 2015-kii  waxeyna galabta u ahayd maalin kale oo koobkan ay ku guuleystaan, dhanka Degmada Hodan nasiib uma yeelan iney ku guuleysto tartankan sannadihii ugu dambeeyay 2015, 2018 iyo 2022 ay soo gaareen kama dambeysta tartanka kubbadda kolleyga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button