2022 FIFA World CupBreaking News

Meeqa lacag ah ayuu qaadanayaa ku guuleystaha Koobka Adduunka ee Qatar 2022?

Koobka Adduunka ee Qatar oo isbeddello badan lagu sameeyey ayaa ciyaaristiisa la bilaabi doonaa 20-ka bishan November, waxaana uu socon doonaa illaa 18-ka bisha December ee dhammaadka sanadkan.

Mar waliba oo la qabanayo dhacadada ugu weyn kubadda cagta waxaa jira xulal loo saadaaliyo inay ku guuleysan doonaan, balse xaqiiqadu waxa ay tahay in tartankan uu had iyo jeerba aan ku aragno arrimo layaab leh & xulal yar yar oo kuwa weyn ka yaabiya.

Kani waa kii 22-aad ee Koobka Adduunka ee FIFA, waxaana ku tartami doona 32 xul oo mid waliba uu doonayo inuu ku guuleysto koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar sanadkan 2022.

Haddaba immisa lacag ah ayuu qaadanayaa ku guuleystaha Koobka Adduunka ee Qatar 2022 & Xulka kaalinta labaad gala?

Marka laga soo tago Koobka Adduunka ee uu gacanta ku dhigayo xulka hantiya tartankan, hadda waxa uu sidoo kale helayaa abaal-marin lacageed.

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa bishii April ku sharraxay Badhigga Doha iyo xarunta Congress-ka inta ay la eg tahay lacagta uu qaadanayo xulka ku guuleysta Koobka Adduunka iyo kan laga qaado ee kaalinta labaad ku dhammaysta.

Xulka ku guuleysta Koobka Adduunka Qatar 2022 ee adkaada kulanka Final-ka ayaa jeebka ku shuban doona 38 milyan oo euro oo u dhiganta 37.76 milyan oo dollar.

Dhinaca kale xulka soo gaara Final-ka ee laga qaado koobka Adduunka ama kaalinta labaad ku dhammaysta ayaa heli doona adduun dhan 27.27 milyan oo euro oo u dhiganta 27.09 milyan oo dollar.

Xulka gala kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka ayaa isaguna heli doona 24.45 milyan oo euro, halka xulka kaalinta afaraad ku dhammaysta uu jeebka ku shuban doono 22.64 milyan oo euro.

Waxaa intaa dheer in xulalka guuldarrada kula kulma siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee sanadkan ay heli doonaan 15.40 milyan oo euro, halka kuwa ku hara wareegga 16-ka Koobka Adduunka ay qaadan doonaan 11.7 milyan euro.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button