2022 FIFA World CupBreaking News

Warbixin: 11-ka Ciyaaryahan ee ugu caansan ee dhaawacyada ku seegi doona Koobka Adduunka ee Qatar 2022

Dhammaan xiddigahan magaca leh waxa ay door muhiim ah uga ciyaaraan qarammadooda, balse waxa ay dhaawacyo ku seegi doonaan sanadkan Koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar, haddii aysan deg deg iga soo kaban dhaawacyada ay la maqan yihiin haatan.

Koobka Adduunka 2022 ayaa lagu wadaa inuu ka furmo 20-ka bishan November, waxaana ciyaaryahan waliba uu ku riyoodaa inuu ka soo muuqdo dhacdada ugu weyn kubadda cagta.

Koobkan oo ah kii 22-aad ee Adduunka ayay u badan tahay in xiddigo badan oo magac leh ay u tahay midkoodii ugu dambeeyey oo ay ka soo muuqdaan.

Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Luis Suarez, Neymar Jr iyo kuwa kale oo badan ayaa malaha ciyaari doona koobkoodii ugu dambeeyay ee Adduunka sanadkan.

Si kastaba ha noqotee, nasiib-darro waxaa jira xiddigo waa weyn oo dhaawacyo ku seegi doona Koobka Adduunka ee sanadkan lagu ciyaari doono dalka Qatar.

Halkaan hoose waxaan idin kugu soo gudbinaynaa 11 ciyaaryahan oo waa weyn, kuwaasoo dhaawacyo ku seegi doona Koobka Adduunka ee Qatar 2022:-

11 – Paul Pogba

Pogba ayaan wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa Juventus xilli ciyaareedkan 2022-23, xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaana dhaawac jilibka ah uga maqan garoommada kubadda cagta.

Yeelkeede, waxaa la filayay in Pogba uu garoommada dib ugu soo laaban doono xilli hore si uu uga mid noqdo xulkiisa qaranka Faransiiska ee ka qeyb-galaya Koobka Adduunka sanadkan, laakiin laacibkan ayaa dhaawac kale uu soo gaaray intii lagu guda jiray baxnaaninta dhaawacii hore ee gaaray, waxaana hadda la filayaa inuu dhaawac ku seegi doono Koobka Adduunka ee Qatar 2022.

10 – N’golo Kante

Kante waxaa xiddig ka duwan ciyaaryahannada kale, isagu goolal badan ma dhaliyo mana caawiyo, laakiin waxa uu kaligiis maamuli karaa khadka dhexe.

Kane waxaa mashiinka labadaba kooxda Chelsea iyo xulkiisa qaranka Faransiiska, waxaana uu leeyahay adkeysi aan kala go’ lahayn.

N’golo ayaa xitaa ku soo bilowday final-kii Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyey ee ay la ciyaareen dhiggooda Croatia, iyadoo Xulkiisa Faransiisku ay 4-2 ku adkaadeen.

Xulka qaranka Faransiiska waxaa hubaal ah inuu wajihi doono dhibaato dhanka khadka dhexe ah, maadaama uu ka maqan yahay kan muhiimka u ah ee Kante.

Xiddiga khadka dhexe ee Kante ayaan ciyaarin tan iyo kulankii ay kooxdiisa Chelsea barbaraha la gashay Tottenham 14-kii Agoosto, waxaana uu wajahayaa dhaawac muruqa ah oo ku qasbay inuu garoommada ka maqnaado muddo afar bilood ah.

9- Reece James

Ciyaaryahan waliba waxa uu ku riyoodaa inuu dalkiisa u matalo Koobka Adduunka, Reece James ayaana riyadaas run u rogay, si kastaba ha noqotee dhaawac jilibka ah ayaa meesha ka saaray isaga.

Kaddib guushii ay ka gaareen AC Milan tartanka Champions League, Reece James ayaa hal maalin joogay Magaalada Milan, kaddibna waxa ay dhaqaatiirtu u sheegeen inuusan ciyaari karin muddo labo bilood ah, iyadoo Koobka Adduunka ay ka harsan tahay wax ka yar bil, James aad ayuu uga niyad-jabay arrintaas laakiin ma uusan quusan.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa liiska xulkiisa saddexda Libaax u diray FIFA, balse ma jirto wax uu u soo bandhigay dadweynaha, iyadoo Kyle Walker sidoo kale laga yaabo inuu maqnaado, xulka England ayaana Koobka Adduunka waayi doona labo daafac midig oo muhiim ah.

8 – Diogo Jota

Liverpool waxa ay qandaraas la gashay Jota kaddib markii ay arkeen tayadiisa iyo soo jiidashadiisa, 25-sano jirkaan ayaana goolal badan u dhaliyay Liverpool labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.

Guul aad muhiim ugu ahayd ayay ka gaareen Kooxda Manchester City, iyadoo kaga adkaaday garoonka Anfield, habeenkii Jota ayaa ku soo dhammaaday qaab aad u xun, weeraryahanka ayaana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray kubka, taasoo keentay inuu sanadkan ka maqnaado koobka Adduunka ee Qatar.

Diogo Jota ayaa qarka u saarnaa inuu ka soo muuqdo koobkii Adduunka ee ugu horreeyay abid, waxaa sidoo kale loo qorsheeyay inuu door muuqda u ciyaaro xulkiisa qaranka Portugal isagoo ka garab ciyaaraya Cristiano Ronaldo, Bernardo Silva iyo kuwa kale, laakiin ma dhicin waxaana uu dhaawacaas ku seegi doonaa Koobka Adduunka.

Diogo Jota ayaa haatan bilaabay soo kabashada dhaawaciisa, waxaana uu ka maqnaan doonaa labadaba kooxdiisa Liverpool iyo xulkiisa qaranka Portugal illaa dhammaadka sanadkan.

7- Alexander Isak

Weeraryahanka xulka qaranka Sweden ayaa kooxda Newcastle United ugu biiray adduun dhan 67 milyan oo dollar, isagoo ka soo dhaqaaqay Real Sociedad, tan iyo markaas kaliya saddex kulan ayuu saftay sababo la xiriira dhaawac bowdada ah.

Alexander Isak ayaa si deg deg ah saamayn ugu yeeshay kulankiisii ugu horreeyay Kooxdiisa Newcastle, isagoo gool ka dhaliyay Liverpool, weeraryahankan ayaa sidoo kale gool kale ka dhaliyay Kooxda Bournemouth, si kastaba ha ahaatee waxa uu dhaawac soo gaaray intii uu ku guda jiray waajibaadka xulkiisa qaranka.

Macallinka Kooxda Newcastle ee Eddie Howe ayaa xaqiijiyey in Isak uu dhaawac ka soo gaaray dhinaca bowdada isagoo guda jira waajibaadka xulkiisa qaranka Sweden, dhaawacaas soo gaaray ayaana sababay inuu garoommada ka maqnaado labada bilood ee soo aaddan.

6- Pedro Neto

22-sano jirkaan ayaa waqti cajiib ah ku qaadanaya Kooxda Wolverhampton Wanderers, Pedro Neto ayaana marar badan horyaalka Premier League ku soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa sare.

Neto ayaa qarka u saarnaa inuu ka soo muuqdo koobkii Adduunka ee ugu horreeyey abid, ha yeeshee waxaa soo gaaray dhaawac qeybtii hore ee ciyaarta kulan ay ka horjeedeen naadiga West Ham United.

Dhaawaca soo gaaray Neto ayaa lagu sheegay inuu yahay Canqowga, isla markaana uu u baahnaan doono in qalliin lagu sameeyo sida lagu shaaciyey Bayaan ka soo baxay kooxda Wolves.

Pedro Neto ayaa kaliya saddex kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Portugal, waxaana uu u dhaliyey hal gool, si la mid ah Jota waxa uu raadinayey inuu saameyn ku yeesho xulka qaranka Portugal.

Heerkoodii ugu fiicnaa xulka qaranka Portugal waxa ay ku dhammaysteen kaalinta saddexaad Koobkii Adduunka ee 1966-kii, xulka Portugal ayaa sido kale gaaray wareegga 16-ka Koobkii Adduunka ee 2018.

Sannado iyo sannado kaddib, xulka qaranka Portugal ayaa ugu dambeyntii helay ciyaartoy badan oo waa weyn iyo xul aad u heer sarreeya, si kastaba ha ahaatee ka maqnaanshaha Neto ee Koobka Adduunka ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xulka.

5 – Paulo Dybala

Dybala xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo uu ku sugnaa Juventus kuma uusan dhammaysan sidii uu doonayay, waxqabadkiisa Juve ayaana sii xumaanayay sanadihii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in taageerayaasha Kooxda AS Roma ay si weyn u soo dhoweeyeen Paulo Dybala.

Macallin Jose Mourinho ayaa ku qanciyey xiddigan inuu si xor ah ugu soo wareego qandaraas saddex sano ah oo uu kula sii joogi doono naadiga.

Dybala ayaa dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii heerka sare ahaa, waxaana 28-sano jirkaan uu dhaliyey shan gool, isagoo caawiye ka ahaa labo gool oo kale kaliya saddeed kulan oo uu saftay, waxa uu sidoo kale labo gool dhaliyey saddex kulan oo uu tartanka Europa league uu u saftay Kooxdiisa AS Roma.

Kaddib soo laabashada qaab ciyaareedkiisa iyo joogteyntiisa, Dybala ayaa lagu waday inuu Koobka Adduunka garoonka la wadaago Angel Di Maria iyo Lionel Messi.

Waxa uu xitaa rigoore uu ka dhaliyey Leece ay kooxda Roma ku adkaatay kulankaas oo ay saddexda dhibcood ku qaateen, laakiin sidoo kale kulankaas ayuu dhaawac soo gaaray Dybala.

Si kastaba ha noqotee, Macallinka xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaan meesha ka saarin inuu waqtiga la dagaali karo Dybala si uu taam ugu noqdo inuu ka soo muuqdo Koobka Adduunka, sidaas oo ay tahay haddana waxaa jira warbixinno kale oo sheegaya in maalmaha kooban ee ka haray Koobka Adduunka uusan ku soo kabsan karin xiddiga xulka qaranka Argentine, isla markaana uu seegi doono dhacadada ugu weyn kubadda cagta.

4 – Kyle Walker

Tababare Gareth Southgate ayaa haysta doorashada ugu fiican tan iyo markii uu xulka qaranka England helay ciyaartoy badan oo waa wayn.

Si kasbata ha haatee, dib u dhac weyn ayaa ku yimid booska daafaca dadabka midig, halkaasoo uu sidoo kale ka maqan yahay Reece James.

Kaddib markii la shaaciyey in Reece James uu ka maqnaan doono Koobka Adduunka, Kyle Walker ayaa lagu waday inuu doorkaas uga ciyaari doono xulka qaranka England, laakiin nasiibdarro, Walker ayaa hadda la ildaran dhaawac Gumaarka ah, laakiin waxaa la filayaa inuu si deg deg ah uga soo kabsado dhaawacaas isla markaana uu fursad u helo inuu ka soo muuqdo Koobka Adduunka.

Kieran Trippier ayaa haatan qarka u saaran inuu ku soo bilowdo booska daafaca midig ee xulka qaranka England, si kastaba ha ahaatee, waxa ay u badan tahay in tababaraha xulka England ee Southgate uu dooran doono Walker kulammada xiga xitaa haddii uu seego kulankooda furitaanka ee Iran.

3 – Raphael Varane

Kulan muhiim ah ayay la ciyaareen kooxda Chelsea, naadiga Manchester United ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan billowgii kulanka, daafaca dambe ee Macallin Erik Ten Hag ayaa la tacaalay Weerarka Chelsea sida Pierre-Emerick Aubameyang, Mason Mount iyo kuwo kale.

Nasiibdarro, Raphael Varane ayaa la dhibtooday dhaawac soo gaaray kulankaas, waxaana uu dhaawacani haleelay isagoo isku dayaya inuu kubbad dhexda u galo oo uu ka joojiyo weerarka ku socday kooxdiisa.

Waxa uu garoonka ka baxay Varane isagoo ilmaynaya kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga isagoo isku dayaya inuu joojiyo kubad uu heli lahaa Aubameyang.

Xulka qaranka Faransiiska ayaa hubaashii la kulmi doona dhabar-jab weyn maxaa yeelay horay waxaa uga maqnaa Kante, haddana waxaa ka maqnaanaya Varane.

2 – Kalvin Phillips

Si la mid ah Paulo Dybala, Kalvin waxa uu wajahayaa inuu tartan la galo waqtiga si uu taam ugu noqdo Koobka Adduunka ee 2022.

Kalvin ayaa Kooxda Manchester City kaga soo biiray Leeds United bilowgii xilli ciyaareedkan.

26-sano jirkaan ayaa dhowr daqiiqo u ciyaaray Kooxda Tababare Pep Guardiola kal ciyaareedkan, sidoo kale wali kuma soo bilaaban safka hore kulan ay ciyaarayso Manchester City.

Xulka qaranka England waxa uu haystaa doorashooyin badan, gaar ahaan xulashada khadka dhexe, laakiin Kalvin waxaa ka burburtay riyadiisii Koobka Adduunka.

Tababare Southgate ayaa horay ugu yeeray Phillips, xiddigan khadka dhexe ayaana guud ahaan u saftay xulka qaranka England 23 kulan, waxaana Kalvin Phillips uu hadda wajahayaan dhaawac garabka ah, taasoo la micno ah uu ku qasban yahay inuu caddeeyo taam ahaanshihiisa ka hor inta uusan billaaban koobka Adduunka 20-ka bishaan aynu ku jirno ee November.

1 – Angel Di Maria

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Juventus iyo xulka qaranka England ayaa garoommada ka maqnaan doona maalmaha hore ee bishan November.

Di Maria waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim ah xulka qaranka Argentina sanadihii la soo dhaafay, waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray Final-kii Copa America isagoo xitaa dhaliyey goolka guusha ee kulankaas.

Di Maria ayaa dhaawac muruqa ah uu ka soo gaaray kulankii ay wajaheen Kooxda Maccabi Haifa ee UEFA Champions League.

Waxaa laga yaabaa inuu koobka Adduunka hoosta ka soo galo Di Maria, kaasoo 125 kulan u saftay xulkiisa Argentina, isla markaana u dhaliyey 25 gool, waxaana uu doonayaa Angel Di Maria inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu ku guuleysto Koobka Adduunka.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button