2022 FIFA World CupBreaking News

Waa tuma haweeneyda qaaday sawirkii hadalhaynta badan dhalliyey ee Ronaldo iyo Messi?

Annie Leibovitz waa haweeneyda qaaday sawir ay si wadajir ah uga soo muuqdeen Messi iyo Ronaldo oo xayaysiin u sameemeenayey shirkadda Louis Vuitton oo ah oo shirkad soo saarta alaabaha lagu xarakoodo oo ku taala dalka Faransiiska.

 Annie Leibovitz waa mid ka mid ah sawir qaadayaasha ugu caansan Ameerika. Sawirradeeda caanka ah ee dadka caanka ah ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday bandhigii  Rolling Stone iyo Vanity Fair sannadihii 1970-meeyadii iyo 1990-kii waxay ahaayeen mawduucyada bandhigyada matxafka adduunka oo dhan.

Annie Leibovitz waxay dhalatay bishii October  02- 1949kii waxay ku dhalatay magaalada Waterbury oo ku taala gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka , Aabaheed waxa uu ahaa Gaashaanle sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Maraykanka.

Annie Leibovitz sawirradeedii ugu horreysay waxay qaaday intii ay ku sugnayd Filibiin intii lagu jiray dagaalkii Vietnam.

Waxay sii waday inay wax ku barato Machadka Farshaxanka ee San Francisco, waxayna isla mar ahaantaa kor u qaaday xirfaddeeda kamiradda.

Sawirka ay haweeneydan qaaday ayaa Messi & Ronaldo oo hal goob wada fadhiya, kaasoo hadalhayn badan ka abuuray Baraha Bulshada maadaama labadan laacib ee caanka aysan mar qura inta badan ka soo wada muuqan shaashadaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button