2022 FIFA World CupSOOMAALIYA

Soomaaliya miyaa ka mid ah wadamada Qatar u rari doonto garoonka 974 ee sanadkan lagu ciyaarayo Koobka Adduunka?

Garoonka 974 ee ku yaala dalka Qatar, waa garoonkii ugu horreeyey kubadda cagta adduunka ee la rari karo ama guur guuraya, hortiis ma jirin garoon kubadda cagta ah ee guur guuraya oo meeshii la doono la dhigan karo.

Si kale haddii aan u dhigno garoonkan waa kii ugu horreeyey kubadda cagta caalamka ee guur guuraaya oo meeshii la doono loo rari karo.

Bal markaan aan eegno sababta loogu bixiyey Magaca uu sito ee 974.

Garoonkan waxaa laga sameeyey 974 konteenar ee dib loo adeegsaday ama loo isticmaalay, haddii aan aad u jilco halkaas konteennada aad garanayso ee Dekedaha alaabaha lagu keeno ama looga qaado oo dib loo adeegsaday ayaa laga sameeyey garoonkan, kuwaasoo tiradoodu dhammayd ama lagu jaan gooyey 974 Konteenar.

Garoonkan waxa uu qaadaa 40 kun oo taageerayaal ah, waxaana uu yaalaa oo la dhigay meel u dhow xeebta Gacanka Doha, iyadoo garoonkan hore loogu yaqiinay ama la oran jiray garoonka Ras Abu Aboud.

Magaca garoonka waxaa loo beddelay 974 si uu u muujiyo tirada Konteennarada loo isticmaalay dhismihiisa oo lagu jaangooyey 974 Konteenar.

Sidoo kale Magaca garoonkan ayaa la leeyahay waxaa laga dhigay 974 oo ah furaha Qatar halka Somalia uu yahay 252.

Waa la furfuri karaa garoonkan guud ahaan Waddan kalena waa loo rari karaa oo inta la fur furo ayaa qaarad kale la geyn karaa halkaasna lagu rakibi karaa markale, sida ciyaarta la yiraahdo Lego.

Lego waa ciyaar wax af leh la isku dhejinaayo oo carruurtu ay guryo ahaan u dhisanaa inta badan oo ka sameynsan midabo badan, sida ciyaarta Lego oo kale ayaa garoonkan Konteennarada ka sameysan la isku aaddin karaa oo la isku rakibi karaa markii la doonana la kala furfuri karaa.

Ciyaarta Lego

Haddaba markaan aan geeno kulammada uu martigelin doono garoonka 974 Koobka Adduunka ee Qatar 2022.

DateTimeTeam No. 1ResultTeam No. 2RoundAttendance
22 November 202219:00 Mexico PolandGroup C
24 November 202219:00 Portugal GhanaGroup H
26 November 202219:00 France DenmarkGroup D
28 November 202219:00 Brazil SwitzerlandGroup G
30 November 202222:00 Poland ArgentinaGroup C
2 December 202222:00 Serbia SwitzerlandGroup G
5 December 202222:00Winners Group GRunners-up Group HRound of 16

Waxaa la filayaa in marka ay ciyaaraha Adduunku soo dhammaadaan garoonkan iyo kuwo kale oo la mid ah ay Dowladda Qatar ugu deeqdo dalalka Faqriga ah oo inta la soo furfuro dalkooda laga taago markale, balse dib ayaa laga shaacin doonaa dalka la siiyey garoonka 974.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button