2022 FIFA World Cup

Xaqiiqooyinkii laga diiwaan-geliyey kulankii barbaraha ku dhammaaday ee dhexmaray xulalka Mexico & Poland

Xulalka Mexico iyo Poland ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay, xilli ay labada dhinac heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen, balse ma dhicin.

Labada xul ayaa min hal dhibic qaatay, xilli Goolhaye Ochoa uu rigoore ka badbaadiyey Lewandowski, kulanka ayaana ku soo dhammaaday goolal la’aan 0-0.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikoorradii laga diiwaan-geliyey kulankan ku tirsan Koobka Adduunka ee dhexmaray Mexico iyo Poland:-

>- Ciyaartan oo ahayd middoo labaad ee ku kulmaan labadan xul  ee Poland & Mexico koobka adduunka ayaa ku soo dhammaatay 0-0, halkii cayaartii koowaad ay kulmaan ay ahayd  tii dhacday 10 June 1978-kii, waxaana markaas 3-1 ku adkaatay xulka Poland.

>- Goolhaye Guillermo Ochoa ayaa rigoore ka badbaadiyay Robert Lewandowski daqiiqaddii 58-aad ee ciyaarta, waxaana uu Ochoa sameeyey ugu yaraan shan badbaadin in ka badan goolhaye kasta oo kale intii lagu guda jiray heerkii guruubyada ee Koobkii Adduunka 2018, waxaana ku jiray sagaal badbaadin oo uu sameeyey kulankii ay wajaheen Germany oo ay Mexico 1-0 ku adkaadeen.

>- Waa rigooradii saddexad ee la dhigay inta uu socdo sanadkan heerka guruubyada tartanka koobka adduunka, waana rigooradii koowaad ee la badbaadiyo, labada gool kulaad ee kale waxaa la dhigay kulankii Wales iyo USA iyo ciyaartii maanta dhexmartay Argentina Saudi Arabia.

>- Garsoore Chris  Beath ayaa bixiyay saddex kaar oo ah kaarka digniinta, wuxuuna siiyay xiddigaha xulka Mexico ee kala ah; Jorge Eduardo Sánchez iyo Héctor Alfredo Moreno Herrera, halka kaarka kale ee Jaallaha uu xulka Poland ka siiyey Frankowski

>- Ciyaartan u dhexeysay xulalka Poland iyo Mexico ayaa noqotay ciyaartii labaad oo barbaro goolal la’aan ku dhammaata koobka adduunka heerkiisa guruubyada illaa iyo haatan,  kulankii koowaad ee barbaraha goolal la’aan ah ku dhammaaday ayaa ahaa kulankii galabta dhexmaray xulalka Denmark Iyo Tunisia.

>- Kulankan waxa uu labada xul ku dhexmaray Garoonka la yiraahdo 974 ee dhaca Magaalada Doha ee dalka Qatar, waxaana ciyaartan u soo daawasho tagay taageeryal gaaraya 39,369.

>- Garoonka 974 ee ku yaala dalka Qatar, waa garoonkii ugu horreeyey kubadda cagta adduunka ee la rari karo ama guur guuraya, hortiis ma jirin garoon kubadda cagta ah ee guur guuraya oo meeshii la doono la dhigan karo.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button