2022 FIFA World Cup

Xogaha aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka maanta dhexmaraya xulalka Argentina & Saudi Arabia

Argentina ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay Koobka Adduunka 1978-kii, waxay ka qaadeen xulka Holland.

Markii labaad ayay Argentina ku guulaysteen Koobka Adduunka waxayna ka qaadeen xulka Germany 1986-kii, hal sano ka hor inta uusan dhalan Messi.

Argentina ayaa gaaray final-kii koobka Adduunka ee 2014-kii, waxaana ay guuldarro kala kulmeen xulka  Jarmalka, iyadoo afar sano kaddib lagu reebay wareegga 16-ka koobkii adduunka sanadkii 2018-kii ee lagu qabtay Russia.

Xulka Argentina guuldarrooyinkii ugu weynaa koobka addduunka waxay kala kulmeen Czechoslovakia 6–1 Argentina ciyaartaas oo ka dhacay Magaalada Helsingborg ee dalka Sweden; 15 June 1958.

Guuldarradii labaad ee ugu weyneed waxay kala kulmeen Bolivia 6–1 Argentina kulankaasoo lagu ciyaaray Magaalada La Paz ee dalka Bolivia; 1 April 2009.

Sidoo kale xulka  Spain ayaa 6–1 Argentina  ku garaacay kulan saaxiibtinimmo kulankaasoo lagu ciyaaray Magaalada Madrid ee caasimadda Spain; 27 March 2018.

Waa markii ugu horreysay ay labadan xul ee Argentina iyo Saudi Arabia ku kulmaan koob adduun, hase yeeshee waxaa jiro koobab iyo kulamo saaxiibtinimo ay wada cayaareen labada xul.

Saudi Arabia waligood guul kama gaarin Argentina kulamadii ay soo wada cayaareen:-

06 Jul 1988  Argentina v Saudi Arabia             2-2      Bicentennial Gold Cup

16 Jul 1988  Argentina v Saudi Arabia             2-0      Bicentennial Gold Cup

20 Oct 1992            Saudi Arabia v Argentina             1-3      FIFA Confederations Cup

14 Nov 2012           Saudi Arabia v Argentina             0-0      International Friendly

Wararka labada xul ee ciyaaraya maanta:-

Weeraryahanka Paris Saint-Germain  ee Lionel Messi oo  si shaqsi ah u tababaranayay Sabtidii ilaa shalay lama soo warin in uu ka cabanayay wax dhaawac ah, waxaana la filayaa inuu diyaar u noqon doono inuu cayaaro kulankooda furitaanka.

Ciyaartoyda kala ah Lisandro Martinez iyo Guido Rodriguez ayaa labaduba shaki laga muujinayaa, halka Joaquin Correa dhaawac looga saaray xulka Argentina, waxaana lagu bedelay Thiago Almada.

Safka macquulka ah ee Argentina kulanka maanta ay wajahayaan xulka Saudi Arabia:-

E. Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Tagliafico; DePaul, Paredes, Gomez; Messi, L. Martinez, Di Maria.

Dhanka Sacuudiga, cayaaryahanka lagu magacaabo Riyaad Sharaxili oo 5-kulan u saftay ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawac  dhanka muruqa ah taasoo shaki gelisay rajadiisa Koobka Adduunka, halka daafaca Xasan Tambakti uu haatan si buuxda ugu soo laabtay tababarka kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac yar oo soo gaaray.

Si kastaba ha ahaatee weeraryahan khibrad leh Fahad Al-Muwallad oo 17 gool u dhaliyay xulkiisa ayaa laga saaray xulka kaddib markii jirkiisa laga helay waxyaabo mamnuuc ka ah kubbadda cagta.

Safka Macquulka ah ee Sacuudi Carabiya:-

Al-Owais; Al-Burayk, Al-Amri, Al-Bulahyi, Al-Shahrani; Kanno, Al-Malki; Al-Shehri, Al-Faraj, Al-Daswari; Al-Buraikan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button