Xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka galabta dhexmari doona xulalka Germany & Japan ee Koobka Adduunka
Xulka qaranka Jarmalka ayaa u safray dalka Ruushka koobkii adduunka ee kan ka horreeyey iyagoo markaa ahaa xulka difaacanaya koobka ee ku soo guuleystay, balse waxa ay ku dhammaysteen halka ugu hooseysa guruubkooda kaddib guuldarrooyin layaab leh oo ay kala kulmeen Mexico iyo South Korea.
Xulka afarta goor ku guuleystay Koobka Adduunka ee Jarmalka ayaa maanta wajahaya Japan kulankooda ugu horreeya ee Koobka Adduunka sanadkan ciyaar ku tirsan Guruubka E.
Jarmalka ayaa kaalinta 11-aad kaga jira xulalka ugu fiican Adduunka, isagoo 13 boos ka sarreeya xulka Japan, Macallinka xulka Jarmalka ee Hansi Flick ayaana wiilashiisa uga digay guuldarro lama filaan ah, sidii shalayba ku dhacday xulka qaranka Argentina oo guuldarro 2-1 ah kala kulmay Saudi Arabia.
Siddeed ka mid ah 26-ka ciyaaryahan ee xulka Japan uga qeyb-galaya sanadkan Koobka Adduunka ayaa ka ciyaara dalka Jarmalka, waxaana ku jira kabtanka iyo daafacii hore ee Southampton, Maya Yoshida, kaasoo hadda ka tirsan kooxda Schalke.
Xulka Japan oo Koobkoodii Adduun ee todobaad oo xiriir ah ku tartamaya sanadkan ayaa saddex jeer gaaray wareegga 16-ka, laakiin waligood uma gudbin wareegga siddeed dhammaadka quarter-finals.
Jarmalka iyo Japan ayaa markii ugu horreysay maanta ku kulmaya koobka adduunka, Jarmalka ayaan laga badinin labadii kulan ee uu horey u wajahay Japan, waxaana uu ka haystaa hal guul iyo hal barbaro, waxayna ahaayeen labo kulan oo saaxiibtinimo oo qabsoomay 2004 (3-0) iyo 2006 (2-2), dhammaan todobadii gool ee xalabadan xul ay dhaliyeen labadii kulan ee horey ay u wada ciyaareen waxa ay yimaadeen qaybtii dambe ee ciyaarta.
Jarmalka ayaa afar jeer ku guuleystay Koobka Adduunka, marka la eego xulalka qaaradda Yurub waxaa la mid ah Talyaaniga oo sidoo kale afar jeer ku guuleystay, balse dhammaan qarammada kale ee Adduunka markii la eego kaliya xulka Brazil ayaa ah kan ugu badan ee qaaday Koobka Adduunka waxaana uu ku guuleystay shan jeer.
Kani waxa uu noqon doonaa markii 20-aad oo uu xulka qaranka Jarmalku ka soo muuqdo Koobka Adduunka, isagoo noqonaya xulka labaad ee tirada ugu badan ka soo muuqday tartankan kaddib xulka Brazil oo 20 jeer ka qeyb-galay koobka Adduunka, markii ugu dambeysay oo aysan tartankan Jarmalku ka qeyb-galin waxa ay ahayd sanadkii 1950-kii, wixii intaa ka dambeeyey waxa ay ka soo gudbeen heerka guruubyada tartan kasta ee Koob adduun ah marka laga reebo sanadkii 2018, markaasoo ay ku dhammaysteen kaalinta ugu hooseysa guruubkooda.
Tani waxay noqon doontaa markii toddobaad oo xiriir ah ee xulka Japan uu ka soo muuqdo Koobka Adduunka, si isdaba joog ah ayuu uga soo qeyb-galayey Koobka Adduunka tan iyo sanadkii 1998, waa ka soo qeyb-galkii labaad ee ugu dheeraa oo uu sameeyo xul ka socda Asia, waxayna ka dambeeyaan South Korea oo sanadkan ka qeyb-galaya markiisii 10-aad tartanka Koobka Adduunka.
Wararka labada xul:-
Xulka qaranka Jarmalka waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahankii hore ee Kooxda Manchester City Leroy Sane, kaasoo dhaawac jilibka ah uu ka soo gaaray tababarka xulkiisa, laakiin weeraryahankooda Thomas Muller ayaa taam ah kulankan.
Macallin Hajime Moriyasu ayaan soo sheegin wax dhaawacyo ah oo uu qabo xulkiisa ka hor tababarkii ugu dambeeyey oo ay wiilashiisu isugu diyaarinayeen kulankan.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka E.
Xulalka: Germany vs Japan.
Garoonka: Khalifa International Stadium.
Garsooraha: Ivan Barton (El Salvador).
Taariikhda: 23 Novembar 2022.
Saacadda: 4:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Shaxda macquulka ah ee Jarmalka: Neuer; Kehrer, Sule, Rudiger, Raum; Kimmich, Gundogan; Hofmann, Musiala, Gnabry; Muller.
Shaxda macquulka ah ee Japan: Gonda; Sakai, Tomiyasu, Yoshida, Nagatomo; Morita, Endo, Kamada; Ito, Asano, Minamino.
Astaan Sports