XAQIIQOOYIN LAGA QORAY KA HOR KULANKA CAAWA DHEXMARI DOONA XULALKA ARGENTINA & MEXICO EE KOOBKA ADDUUNKA
Weeraryahanka Argentina ee Lautaro Martinez ayaa sheegay in kulanka labaad ee xulkiisa ay la ciyaarayaan Mexico uu noqon doono sidii cayaar final oo kale ah kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen Saudi Arabia kulankoodii furitaanka.
Argentina oo laba jeer ku guuleysatay koobka Adduunka ayaa ugu hooseysa Group C.
Guul ay ka gaaraan Mexico ayaa soo celin karta rajadooda u soo bixitaanka wareegga 16-ka Koobka Adduunka.
“Waxay qeexi kartaa awoodeenna koobka adduunka” ayuu yiri Martinez.
Lionel Messi ayaa daah furay gool ku laad, laakiin Saudi Arabia ayaa la timid labo gool taasoo layaab ku noqotay xulka Argentina.
“Waxay dhabar jab culus ku ahayd niyaddeenna, laakiin waxaanu nahay koox adag oo aad u midaysan,” ayuu yiri Martinez.
“Waxaan u baahanahay inaan is dejino, ka soo kabsano, kana fikirno waxa soo socda, waxa soo socda waa Mexico, marka waa inaan diiradda saarnaa sidii aan guusha u gaari lahayn.
“Aad ayaan rajo fiican u qabnaa, waxaana u maleynayaa inaan ku guul darreysannay sababtoo ah qaladaadkeena, waxaan ka barannay inaan wax badan saxno taasna diyaar ayaan u nahay.”
Macallinka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa sheegay in Messi uu taam yahay, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in uu dhaawac canqowga ah soo gaaray, wuxuuna sheegay in kooxdiisu ay ka soo laaban doonto guuldarradii furitaanka.
“Ciyaartoydeydana waa kuwa ka awood badan inay sidaas sameeyaan,” Scaloni ayaa hadalkiisa raaciyay.
Dhanka kale Mexico ayaa soo gaartay wareegga 16-ka siddeedii koob aduun ee la soo dhaafay, laakiin tababare Gerardo Martino ayaa sheegay in xulkiisu ay ka niyad jabeen kaliya inay hal dhibic ka helaan Poland inkastoo ay abaal ku leeyihiin goolhayaha rugcadaaga ah ee Guillermo Ochoa oo ka badbaadiyay rigoore Robert Lewandowski.
Waxay ila tahay in aan natiijo fiican ka heli karnay kulankii Poland marka waxa aan u baahanahay in aan sameyno isbeddel sax ah si aan u helno natiijada” ayuu yiri Lionel Scaloni.
“Waxaan hubaa in Messi uu soo bandhigi doono qaab ciyaareedkiisa ugu fiican, mararka qaar xitaa adigoon hoggaanka u qaban ciyaartaada 90-ka daqiiqo, shan daqiiqo gudahood ayay wax walba ku dhici karaan.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay macallinka xulka Argentina ee Lionel Scaloni.
Xaqiiqooyinka kulanka:
Lionel Messi ayaa shabaqa soo taabtay shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay Argentina hal mar kaliya wuxuu dhaliyay lix gool oo xiriir ah, isagoo sidaas sameeyay intii u dhaxeysay November 2011 iyo September 2012.
Mexico ayaa ku guuldareysatay inay wax gool ah dhaliso saddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Koobka Adduunka, laakiin waligood barbaro ma aysan gelin afar kulan oo isku xigta oo ay ciyaareen tartanka.
Kaddib guuldarradii 2-1 ee kasoo gaartay Saudi Arabia, Argentina ayaa isha ku heysa inay iska ilaaliso in labadii kulan ee ugu horreeyay laga badiyo Koobka Adduunka markii ugu horreysay.
Argentina ayaa laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen Koobka Adduunka, waana in ka badan inta laga badiyay 25-kii kulan ee hore oo ay ciyaareen tartanka.
Mexico ayaa laga badiyay dhammaan saddexdii kulan ee koobka adduunka ay la ciyaareen Argentina.
Argentina ayaan wax guuldarro ah la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Mexico, waxa ay badiyeen 7 kulan, halka ay barbaro galeen 3 kulan.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka D.
Xulalka: France vs Denmark
Garoonka: Lusail Stadium
Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)
Taariikhda: 26 Novembar 2022.
Saacadda: 10:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan caawa labada xul:-
Shaxda macquulka ah ee Argentina: E. Martinez; Montiel, Romero, Li. Martinez, Tagliafico; De Paul, Paredes, Mac Allister; Messi, La. Martinez, Di Maria.
Shaxda macquulka ah ee Mexico: Ochoa; Sanchez, Montes, Moreno, Gallardo; Alvarez, Herrera, Chavez; Lozano, Martin, Vega.
Astaan Sports