2022 FIFA World Cup

Horudhac: Belgium vs Morocco… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulankooda maanta)

Iyagoo doonaya inay ugu yraan hal cag soo geliyaan wareegga 16-ka Koobka Adduunka ayaa xulka qaranka Belgium waxa uu sii wadi doonaa baacsigiisa, kulankooda maanta.

Belgium ayaa xulka qaranka Morocco ku qaabilaya garoonka Al Thumama kulan qeyb-ka ah Gruubka F ee Koobka Adduunka.

Xulka Belgium oo kulankoodii koowaad ee koobka Adduunka guul 1-0 ah ka soo gaaray Canada ayaa doonaya inay markale garaacaan Morocco oo barbaro goolal la’aan ah la soo galay kulankoodii hore xulka Croatia.

Wararka labada xul:-

Weeraryahan Romelu Lukaku ayaysan wli u badnayn inuu ka soo muuqan doono xulkiisa Belgium kulanka labaad ee heerkooda guruubyada koobka Adduunka oo ay la leeyihiin Morocco, inkastoo uu ka soo hormaray waqtigii la filayay inuu kaga soo gabsado dhaawac bowdada ah oo uu la maqnaa.

Daafaca garabka ka icyaara ee Thomas Meunier iyo weeraryahan Lois Openda ayaa ku soo bilaaban kara kulankan, kaddib markii ay ka soo kaceen kursiga keydka kulankii ay wajaheen Canada.

Daafacyada Morocco ee Achraf Hakimi iyo Noussair Mazraoui ayaa la qiimeyn doonaa xaaladdooda ka hor kulankan.

Yahia Attiyat Allah ayaa bedelay Xiddiga Kooxda Bayern Munich ee Mazraoui kulankii Croatia, waxaana laga yaabaa inuu markale boos ka helo kulanka maanta.

Xilliciyaareed dhaawac badan ayaa hareeyey Lukaku, kaasoo ciyaaray shan jeer, isla markaana dhammaystay 90-ka daqiiqo kaliya hal mar tan iyo markii uu Kooxda Inter Milan amaah kaga soo biiray naadiga Chelsea.

Dhaawiciisii ugu dambeeyey ee gaaray ayaa keentay inuu garoommada ka maqnaado tan iyo dhammaadkii bishii October, waxaa Lukaku uu seegay kulankii xulkiisa Belgium ay 1-0 kaga adkaadeen Canada ka hor inta uusan dib ugu soo laaban tababarka xulka Jimcihii.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

  • Guusha kaliya ee Belgium ay heerka guruubyada koobkii Adduunka 1994-kii ka gaareen Morocco waa kulanka kaliya oo ay ciyaareen tartan rasmi ah, markaasna Belgium ayaa 1-0 ku adkaaday.

  • Xulka Belgium ayaa badiyey siddeedoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen heerka guruubyada ee Koobka Adduunka, waxaana ay barbareeyeen rikoorkii guuldarro la’aanta heerka guruubyada ee ay labo jeer sameeyeen Brazil intii u dhexeysay 1986-1994 iyo 2002-2010.

  • Xulka Morocco ayaa badiday kaliya labo jeer 17-kii kulan ee ay ciyaareen koobka adduunka, waxa ay barbaro galeen 6 jeer, halka ay 9 goor guuldarro la kulmeen, waxa ay guulo gaareen kulammadoodii ugu dambeeyey ee heerka guruubyada 1986-kii oo ay 3-1 uga adkaadeen Portugal iyo sanadkii 1998-kii oo ay 3-0 direen Scotland.

  • Xulka Morocco kaliya hal jeer ayay gaareen wareegga 16-ka Koobka Adduunka waana dhacadii 1986-kii lagu qabtay dalka Mexico.

  • Xulka qaranka Belgium ayaa guuleystay 7 ka mid ah siddeedoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka.

  • Xulka qaranka Morocco ayaa ku guuldarreystay inuu guul gaaro 10 ka mid ah 11-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray Koobka Adduunka.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka F.

Xulalka: Belgium vs Morocco.

Garoonka: Al Thumama Stadium.

Garsooraha: Cesar Ramos (Mexico).

Taariikhda: 27 Novembar 2022.

Saacadda: 04:00 Galabmimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Belgium: Courtois; Alderweireld, Vertonghen, Dendoncker; Meunier, Onana, Witsel, Carrasco; De Bruyne, E. Hazard; Batshuayi.

Morocco: Bounou; Hakimi, Aguerd, Saiss, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button