2022 FIFA World Cup

HORUDHAC: SPAIN VS GERMANY… (XAQIIQOOYINKA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD OGAATO KA HOR KULANKAN CAAWA)

Tababaraha xulka Germany Hansi Flick ayaa sheegay in kulanka Spain ay caawa la cayaarayaan uu yahay fiinalkii ugu horreeyay iyaga oo isku dayaya in ay ka fogaadaan in markale ay ku haraan wareegga guruubyada sidii dhacday koobkii Adduunka 2018-kii.

Koobkii adduunka ee 2018 ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee Germany ku haraan heerka guruubyada muddo 80 sano ah, waxayna gaareen wareegga 16-ka tartankii ugu dambeeyay ee  Euro 2020.

Kaddib guuldarradii lama filaanka ahayd ee 2-1 kasoo gaartay Japan ciyaartii furitaanka, guuldarro kale oo ka soo gaarta Spain ayaa soo afjari karta rajadii Germany ee ahaa inay u soo baxaan wareegga 16-ka tartanka koobka Adduunka ee ka soconaya dalka Qatar.

“Waxaan dooneynaa inaan ka fogaanno guuldarro kale, kulankan waa finalkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka, taasina waa sababta aan u dooneyno inaan markale lumin ciyaarta.” ayuu yiri Hansi Flick.

Xulka Spain ayaa dhankooda diiradda saaraya in ay iska xaadiriyaan wareegga 16-ka kaddib markii ay 7-0 ku xasuuqeen xulka Costa Rica kulankoodii furitaanka.

Tababaraha xulka Spain Luis Enrique ayaa filanaya kulan adag oo uu la yeelan doono Jarmalka oo cadaadis xooggan uu  saaran yahay.

“Shaki la’aan Germany waa xul weyn marka loo eego dhanka maamulidda ciyaarta iyo xakameynta,” ayuu yiri Luis Enrique.

“Taasi waxay noo tahay loollan qurux badan, waxaan filayaa inay noqon doonto ciyaar furan”.

Wararka labada xul:

Macalinka xulka Spain Luis Enrique ayaa ka dhawaajiyay inuu isbeddal ku sameyn doono safkiisa inkastoo Spain ay 7-0 kaga badisay Costa Rica.

Xulka Jarmalka ayaa isha ku hayn doona xiddiga garabka ka ciyaara ee Leroy Sane, kaasoo dhaawac jilibka ah la maqnaa kulankoodii furitaanka.

Niklas Sule oo daafaca dhexe ka cayaara ayaa la qabsan waayay daafaca midig kulankii Japan waxaana booskiisa buuxin kara Thilo Kehrer ama Lukas Klostermann.

Flick ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu Joshua Kimmich u beddelo daafaca midig, isla markaana uu beddelo khadkiisa dhexe.

Gundogan ayaa rajeynaya inuu booskiisa khadka dhexe ka ciyaaro, iyadoo xiddiga Man City uu u muuqdo inuu noqon karo ciyaaryahankii ugu horreeyay tan iyo Miroslav Klose 2002-dii ee gool ka dhaliya labadii kulan ee ugu horreysa Germany ee Koobka Adduunka.

Haddii Japan ay ka fogaato guuldarro ka soo gaarta Costa Rica markaas Jarmalku waxay ku noqon  doontaa guuldarro kale, waana natiijo u fiican Spain.

Germany waxay ku qasban yihiin iney guul ka gaaraan Spain sidoo kale Costa Rica & Japan ugu yaraan barbaro galaan, waana wadada ugu dhaw ay ku soo celin karaan hankooda u soo bixitaanka heerka wareegga 16-ka tartanka koobka Adduunka.

Xaqiiqooyinka kulanka:

Jarmalka ayaa adkaaday kaliya hal kulan todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Isbaanishka oo ay ku jirto guuldarradii 6-0 ee ka soo gaartay tartanka Nations League, markaasoo ay labada xul kulmeen 17-kii Novembar 2020, taasi waxay ahayd guuldarradii ugu cusleyd ee Germany soo gaarta tan iyo 1931.

Spain ayaa isku dayaysa inay badiso kulamo xiriir ah koobka aduunka markii ugu horraysay tan iyo markii ay diiwaan galiyeen lix guulood oo xiriir ah oo ay ku qaadeen koobkii adduunka 2010-kii.

Kooxda Luis Enrique ayaa dhalisay goolashii ugu badnaa kulankii ay 7-0 kaga adkaadeen xulka Costa Rica si la mid ah afar kulan oo ay ciyaareen (oo ka kooban 390 daqiiqo) koobkii Adduunka ee 2018-kii.

Jarmalka ayaa adkaaday mid kasta oo ka mid ah siddeedii kulan ee ugu horreeyay intii uu hoggaaminayay Hansi Flick, laakiin waxa ay guuleysteen kaliya laba kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay markaas kaddib ay ciyaareen (5 bar-baro iyo 2 guuldarro).

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka E.

Xulalka: Germany vs Spain

Garoonka: Al Bayt Stadium

Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)

Taariikhda: 27 Novembar 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan caawa labada xul:-

Shaxda macquulka ah ee Spain: Simon; Azpilicueta, Rodri, Laporte, Alba; Pedri, Busquets, Gavi; F. Torres, Asensio, Olmo.

Shaxda macquulka ah ee Germany: Neuer; Sule, Rudiger, Schlotterbeck, Raum; Kimmich, Gundogan; Gnabry, Muller, Musiala; Havertz.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button