2022 FIFA World CupUncategorized

HORUDHAC: BRAZIIL VS SWITZERLAND… (XAQIIQOOYINKA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD OGAATO KA HOR KULANKOODA CAAWA)

Tababaraha xulka qaranka Brazil Tite ayaa sheegay in qaladaadka badan ee lagu sameeyay Neymar ay tahay in la joojiyo kaddib markii uu weeraryahanka ku dhaawacmay kulankii heerka guruubyada ee Serbia.

Neymar ayaa u muuqday mid ku ilmeynayay kursiga keydka kaddib markii lagu beddelay Antony daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta isagoo dhaawac canqowga looga saaray kulanka.

Dhaawaca soo gaaray Neymar waxaa u geystay Nikola Milenkovic kulankii ay 2-0 uga adkaadeen Serbia habeenkii Khamiista.

Tan iyo markii ugu horreysay ee Koobka Adduunka ee 2014, Neymar ayaa lagu galay 53 jeer qaladaad ugu yaraan in ka badan 11 jeer ciyaaryahan kasta.

Sagaal jeer ayaa qalad lagu galay Neymar kulankii Serbia waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale kulankoodii furitaanka ee koobka Adduunka.

Neymar ma ciyaari doono kulamada Brazil ee ka haray wareegga group-yada, laakiin Tite ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in weeraryahanka Paris St-Germain uu mar kale ka soo muuqan doono Koobka Adduunka.

“Waxaan aaminsanahay in Neymar iyo daafica dhaawacan ee Danilo ay ciyaari doonaan koobka Adduunka, ma awoodo inaan ka hadlo xogta caafimaadkooda,” ayuu yiri Tite.

“Waxaan dhihi karaa taas, kaliya maahan Neymar laakiin sidoo kale waxay ku saabsan tahay dhaawaca Danilo, labadooda waa dhaawacan yihiin laakiin waxaan aaminsanahay inay labadooduba diyaar u noqon doonaan inay ciyaaraan Koobka Adduunka.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay macalinka xulka Braziil ee Tite.

Wararka labada xul:-

Xulka Braziil waxaa ka maqanaan doona daafaca kooxda Juventus Danilo, kaasoo sidoo kale dhaawac canqowga ah uu ka soo gaaray kulankii Serbia, iyo weeraryahanka Paris St-Germain Neymar.

Weeraryahanka Switzerland Renato Steffen ayaa weli shaki laga muujinayaa dhaawac muruqa ah hase yeeshee, xulka Switzerland ma qabaan dhaawacyo kale waxay haystaan saf dhammeystiran.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

Labadii kulan ee hore ee Brazil iyo Switzerland ee koobka Adduunka ayaa ku dhamaaday barbaro (2-2 1950, iyo 1-1 2018).

Brazil lagama badin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay heerka guruubyada koobka Adduunka majirtoxul waligood 17 guuldarro la’aan ah wareega guruubyada tartanka.

Switzerland ayaa isha ku haysa in ay badiso labadii kulan ee furitaanka koobka Adduunka markii ugu horraysay.

Richarlison ayaa dhaliyay sagaal gool todobadii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay Brazil.

Breel Embolo ayaa dhaliyay gool saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay xulkiisa Switzerland.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka G.

Xulalka: Brazil vs Switzerland.

Garoonka: Stadium 974

Garsooraha: Ivan Barton (El Salvador)

Taariikhda: 28 Novembar 2022.

Saacadda: 7:00 Fiidnimo xilliga geeska  Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Brazil: Alisson; Eder Militao, Thiago Silva, Marquinhos, Alex Sandro; Casemiro, Fred, Paqueta; Raphinha, Richarlison, Vinicius Junior.

Switzerland. Sommer; Widmer; Akanji, Elvedi, Rodriguez; Freuler, Xhaka, Sow; Shaqiri, Embolo, Vargas

 Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button