2022 FIFA World Cup

Horudhac: Cameroon vs Serbia… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulankooda maanta)

Labada xul ee Cameroon iyo Serbia oo guuldarrooyin ku furtay koobka Adduunka ee Qatar 2022 ayaa maanta kulankooda labaad ee Guruubka G ku wada ciyaari doona garoonka Al-Janoub.

Cameroon ayaa guuldarro 1-0 ah kala soo kulmay Switzerland, halka Serbia ay la dhibtoonayaan guuldarro 2-0 ah oo ka soo gaartay Brazil.

Cameroon iyo Serbia maanta waxaa u fiican inay kala adkaadaan, haddii ay barbaro galaan waxaa mugdi sii geli kara rajadooda u soo bixitaanka wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka, iyadoo xulkii laga adkaado maanta uu tartanka isaga hari doono.

Wararka labada xul:-

Dusan Vlahovic ayaa lagu wadaa inuu weerarka xulka Serbia ku weheliyo Aleksandar Mitrovic kulankooda labaad ee heerka guruubyada koobka aduunka ee ay maanta la ciyaarayaan Cameroon.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Filip Kostic ayaa sidoo kale taam ah kaddib markii uusan ka qeyb qaadan kulankoodii furitaanka guruubka G ee Serbia ay guuldarrada kala kulmeen Brazil.

Weeraryahannada Eric Maxim Choupo-Moting iyo Bryan Mbeumo ayaa labadaba lagu wadaa inay ku soo billowdaan safka hore ee xulka Cameroon.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Olivier Ntcham ayaa xulkiisa Cameroon ka maqnaan doona kulammada u haray heerka guruubyada.

Serbia ayaa halka ugu hooseysa ka hoggaaminaysa guruubkeeda kaddib guuldarro 2-0 oo ay kala kulmeen xulka loo saadaalinayo hanashada Koobka Adduunka sanadkan ee Brazil, halka Cameroon ay guuldarro 1-0 ah kala kuleen kulankoodii koowaad Switzerland, taasoo la micno ah in xulka ka socda Afrika uu weli baadi goobayo inuu gaaro guushiisii ugu horreysay ee koobka Adduunka tan iyo sanadkii 2002.

Haddii ay guuldarro soo gaarto midkood labada xul, isla markaana ay barbaro galaan Brazil iyo Switzerland caawa, waxay ka dhigan tahay inuu tatranka isaga hari doono, iyadoo uu kulan u harsan yahay.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

  • Serbia ayaa laga badiyey labadii kulan ee hore oo ay koobka Adduunka la icyaareen xulal ka socda Afrika, waxaana ay sidaasi ku dhacday kulan ay ka horjeedeen Ivory Coast sanadkii 2006 (2-3) iyo Ghana sanadkii 2010 (0-1).

  • Cameroon ayaa laga badiyay siddeedii kulan ee ugu dambeeyay koobka adduunka, iyadoo guuldarrooyinkaasi ay soo gaareen afar tartan oo kala ahaa 2002, 2010, 2014 iyo 2022, guuldarro maanta ka soo gaarta Serbia ayaa ka dhigan inay barbarayn doonaan guuldarradii abid ugu dheerayd ee xul qaran ka soo gaarta Koobka Adduunka kaasoo ahaa xulka Mexico oo intii u dhaxaysay 1930 iyo 1958 la kulmay sagaal guuldarro oo xiriir ah.

  • Xulka Serbia ayaa gool laga dhaliyey siddeed ka mid ah 10-kii kulan ee ay ciyaareen koobka Adduunka, iyadoo xitaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool lix ka mid ah kulammadaas, yeelkeede, waxa ay guul gaareen labadii kulan ee ay shabaqooda gool ka ilaashadeen.

  • Xulka Cameroon ayaa guuleystay kaliya hal jeer 15-koodii kulan ee Koob Adduun oo ay wajaheen dalalka ka socda Yurub, waxaana ay kala kulmeen 5 barbaro iyo 9 guuldarro.

  • Xulka Serbia ayaa laga dhaliyey ugu yaraan labo gool saddexdoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka G.

Xulalka: Cameroon vs Serbia.

Garoonka: Al Janoub Stadium.

Garsooraha: Mohammed Abdulla Mohammed (United Arab Emirates)

Taariikhda: 28 Novembar 2022.

Saacadda: 01:00 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Cameroon: Onana; Fai, N’Koulou, Castelletto, Tolo; Anguissa, Ondoua, Hongla; Mbeumo, Choupo-Moting, Toko Ekambi.

Serbia: V. Milinkovic-Savic; Milenkovic, Veljkovic, Pavlovic; Zivkovic, Gudelj, S. Milinkovic-Savic, Mladenovic; Tadic; Vlahovic, Mitrovic.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button