2022 FIFA World Cup

HORUDHAC: PORTUGAL VS URUGUAY… (XAQIIQOOYINKA AAD U BAAHAN TAHAY INAAD OGAATO KA HOR KULANKOODA MAANTA)

Macalinka xulka Portugal Fernando Santos ayaa sheegay xulka Portugal in uusan fahamsaneyn sida xiddiga khadka dhexe ee Danilo Pereira uu kaga jabay feeraha tababarka isbuucan.

Xiddiga khadka dhexe Paris St-Germain, oo 31 jir ah, ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doona inta ka harsan heerka Group-yada tartanka  Koobka Adduunka,

Pereira ayaa ku jiray safkii wajahay kulankii ay 3-2 kaga adkaadeen xulka Ghana habeenkii Khamiista.

“Waa nooc dhaawac ah uusan qofna sharxi karin, ma fahmin sida ay taasi ku dhacday” ayuu yiri Santos.

“Waa wax iska caadi ah in dhaawacyadani ay dhacaan, laakiin ma arag sida saxda ah ee wax u dhaceen, markii hore uma maleynayno inuu yahay mid aad halis u ah”

“Waxa aanu samaynay baaritaano dheeri ah si aan u xaqiijino in uu si fiican u neefsanayo iyo in kale, sida muuqatana xaaladdu sidaas ayay ahayd, laakiin waxa aanu aragnay in ay ka sii daran tahay, waanu ku daba jirnaa.

“Anigu ma ihi dhakhtar sidaa darteed si faahfaahsan ugama hadli karo laakiin inta aan ogahay xaaladdiisa ma ahan mid aad u daran, waxa aanu filaynaa in uu dhawaan dib u soo laaban doono, haddii ay adkaato inaan dib u helno waxaan haysanaa saddex ciyaartoy oo ka cayaaro khadka dhexe oo badali kara” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay macalinka xulka qaranka Portugal Fernando Santos.

Wararka labada xul:-

Xulka Portugal ma jiraan dhaawacyo kale oo cusub marka laga reebo Pereira.

Dhanka xulka Uruguay daafaca khadka dhexe Ronald Araujo, oo qaliin bowdada lagu sameeyay dhamaadkii bishii Sebtember, ayaan wali la fileyn inuu ciyaaro kulankan.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

Portugal ayaa badisay kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay xulalka South America ee tartamada oo dhan (3 bar-baro iyo 5 guuldarro), waxa ay 1-0 ku garaaceen Argentina kulan saaxiibtinimo bishii November 2014.

Uruguay ayaa ku guuldareysatay inay wax gool ah dhaliso labadii kulan ee ugu danbeysay ee Koobka Adduunka , waxaana ay sidaasi hore u sameeyeen seddex kulan oo xiriir ah (intii u dhaxeysay 1986 iyo 1990).

Uruguay ayaa shabaqeeda ilaashatay shantii kulan ee ugu dambeesay heerka guruubyada koobka aduunka ma jirto koox sidaasi sameysay lix kulan oo isku xigta oo group-yada taariikhda tartanka.

Portugal ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 13-kii kulan ee ugu dambeeyay heerka Group-yada ee koobka adduunka (7 guul iyo 5 bar-baro).

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka H.

Xulalka: Uruguay vs Portugal

Garoonka:  Lusail Stadium

Garsooraha: Alireza Faghani (Iran)

Taariikhda: 28 Novembar 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska  Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Uruguay:. Pochet; Caceres, Godin, Gimenez, Olivera; Valverde, Bentancur, Vecino; Pellistri, Suarez, Nunez

Portugal. Costa; Cancelo, Dias, Danilo, Guerreiro; Bernardo, Neves, Carvalho; Fernandes, Ronaldo, Felix

 Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button