2022 FIFA World Cup

Horudhac: South Korea vs Ghana… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulankooda maanta)

Xulka Ghana ayaa wajahaya in xilli horeba uu isaga haro Koobka Adduunka ee 2022, kaddib marka ay kulan qeyb ka ah guruubka H ay u safranayaan garoonka Education City Stadium, halkaasoo ay galabta ku wajahayaan South Korea.

Xulka Black Stars ayaa guuldarro 3-2 ah kala kulantay Portugal kulankoodii furitaanka ee Koobka Adduunka, halka xulka Asia ka socda uu barbaro goolal la’aan ah la soo galay Uruguay.

Wararka labada xul:-

Weeraryahanka South Korea ee Hwan Hee-chan lama filayo inuu ka soo kabsado dhaawac muruqa ah oo sababay inuu seego kulankii furitaanka ee ay la ciyaareen Uruguay.

Hwang Ui-jo ayaa dhanka weerarka waxaa lagu bedeli karaa Cho Gue-sung.

Kabtanka xulka qaranka Andre Ayew iyo daafacooda Seidu Alidu ayaa si gaar gaar ah tababarka u qaatay Jimcihii, balse labadoodba waxaa la filayaa inay diyaar u noqdaan kulanka maanta.

Ayew, Alidu, Inaki Williams iyo Mohammad Kudus ayaa hal kaar oo digniinta ah u jira inay ganaaxyo ku maqnaadaan.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

  • South Korea iyo Ghana ayaa ku kulmay lix kulan oo rasmi ah ciyaaraha caalamiga ah, dhammaan ciyaarahaas waxay ahaayeen kuwo saaxiibtinimo, iyadoo labada xul ay gaareen min saddex guul.

  • Xulka South Korea ayaa ku guuldarreystay inuu hal isku day oo bartilmaameed toos ah sameeyo kulankii ay barbaraha goolal la’aanta ah la galeen Uruguay.

  • Xulka Ghana waa guuldarro la’aan shantii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka, waxaana ay la kulmeen 2 barbaro iyo 3 guuldarro.

  • South Korea ayaa guuldarro la’aan noqon karta markeedii labaad saddex kulan oo xiriir ah koobka adduunka.

  • Xulka Ghana ayaa laga dhaliyey ugu yarana labo gool afartoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka.

  • Xulka South Korea ayaa ku guuldarreystay inuu guul gaaro sagaal ka mid ah tobankiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray Koobka Adduunka.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka H.

Xulalka: South Korea vs Ghana.

Garoonka: Education City Stadium.

Garsooraha: Anthony Taylor (England).

Taariikhda: 28 Novembar 2022.

Saacadda: 04:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

South Korea: Seung-gyu; Moon-hwan, Min-jae, Young-gwon, Jin-su; Jung, In-beom; Na, Lee, Son; Ui-jo.

Ghana: Ati Zigi; Lamptey, Amartey, Djiku, Baba; Partey, Abdul Samed; Sulemana, Kudus, A. Ayew; Williams.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button