2022 FIFA World Cup

ENGLAND VS WALES & IRAN VS USA – GURUUBKA B EE KOOBKA ADDUUNKA OO MAANTA LA SOO GABAGABAYNAYO

Waxaa caawa la soo gabagabaynayaa Guruubka B ee Koobka Adduunka, iyadoo ay kulamadooda ugu dambeeya ee guruubkooda ay ciyaarayaan xulalka Iran  vs USA & Wales & Egland

Tababaraha Mareykanka Gregg Berhalter ayaa ugu baaqay ciyaartoydiisa inay ka fogaadaan “khaladadkii hore” cayaarta caawa ay la cayaarayan Iran kulankooda ugu dambeeya ee Guruubka B ee Koobka Adduunka caawa.

Labadan xul ayaa ku kulmay koobkii adduunka ee 1998-dii  iyadoo Iran ay 2-1 ku adkaatay balse labaduba waxay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan Group-ka.

USA ayaa ku qasban in ay badiso si ay ugu soo baxdo wareega 16-ka, halka xulka Iran ay u baahantahay iney adkaato si ay ugu soo baxdo wareega 16-ka waxayna kaalinta koowaad kaga soo bixi karaan Iran haddii  ay ka adkaato USA sidoo kale xulka England ay ku guuldarro kala kulmaan Wales.

Kooxda Carlos Queiroz ayaa sidoo kale u soo bixi doonta wareegga 16-ka hadii ay barbaro galaan oo Wales ku guuldrreysato inay badiso.

“Waxaan la ciyaareenaa koox aad iyo aad u wanaagsan, si aad ahna u habaysan,” ayuu yiri Queiroz

“Waxaan rajeynayaa in wiilasheydu ay awoodaan inay isku keenaan xirfadahooda iyo rabitaankooda si ay u guuleystaan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay macalinka Iran Carlos Queiroz.

Wararka labada kooxood:

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Iran Alireza Jahanbakhsh, oo beddel ku soo galay kulankii Jimcihii ay 2-0 kaga badiyeen Wales, ayaa ganaax ku maqan kaddib markii uu jaale qaatay labadii kulan ee ugu horreysay xulkiisa.

Alireza Beiranvand ayaa ka maqnaa kulankii ugu dambeeyay kaddib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kulankii England, sidaasi darteed Hossein Hosseini ayay u badan tahay inuu kusoo bilowdo.

USA ayaa laga yaabaa inay magacawdo isla xulkii wacdaraha dhigay kulankii Jimcihii ay barbaraha gool la’aanta ah ay la galeen England, mana jiro walaac ku saabsan dhaawac iyo ganaax haysto xulka USA.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

Mid kasta oo ka mid ah 8-dii gool ee Iran ay ka dhalisay koobka Adduunka ayaa la dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Bar-baraha ayaa la macno ah in USA uu noqonayo  xulkii saddexaad ee ka hara koobka Adduunka inkastoo ay soo gaba gabeenayaan wareega Group-yada iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin Belgium iyo New Zealand ayaa sidaas sameeyay koobkii Adduunka 1998 iyo 2010 kaddib markii ay barbaro galeen saddexdii kulan ee ay ciyaareen.

USA ayaa laga yaabaa in ay shabaqooda ilaashadaan labo kulan xiriir ah koobka Adduunka markii ugu horaysay tan iyo markii ay sidaasi sameeyeen labadii kulan ee furitaanka koobka Adduunka 1930-kii.

Yunus Musah ayaa u dabaaldagaya dhalashadiisa 20-aad maalinta kulankaan, waxaana uu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya Koobka Adduunka dhalashadiisa tan iyo markii Patrick Vieira uu sidaas u sameeyay xulka France ciyaar ay la ciyaareen Togo 2006, maalintii uu 30 jirsaday.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka A.

Xulalka: Iran vs USA.

Garoonka: Al Thumama Stadium

Garsooraha: Antonio Mateu (Spain)

Taariikhda: 29 Novembar 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Iran: H Hosseini; Rezaeian, M Hosseini, Pouraliganji, Mohammadi; Ali Gholizadeh, Nourollahi, Ezatolahi, Hajsafi; Taremi, AzmounQatar: Barsham; Miguel, Khoukhi, Hassan; Mohammad, Hatem, Madibo, Al-Haydos, Ahmed; Ali, Muntari.

USA: Turner; Dest, Zimmerman, Ream, Robinson; Adams, Musah, McKennie; Pulisic, Weah, Wright

===========================================================

Wales vs. England

Dhinaca kale xulalka Wales & England  ayaa caawa wada cayaari doono Guruubka B tartanka koobka Adduunka.

Xulka kubbada cagta England ayaa u baahan kaliya hal dhibic ama guul si ay u xaqiijiyaan u soo bixitaanka wareegga 16-ka ee koobka adduunka kulanka ay caawa la cayaarayaan xulka Wales oo booska ugu dambeeyo kaga jiro Guruubka B

Xaqiiqooyinka kulankan:-

England ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajaheen Wales, iyagoo dhaliyay 11 gool mudadaas, waxaana laga dhaliyay kaliya hal gool, waxay ahayd kubbad laadka xurta ah oo Gareth Bale ka dhaliyay Euro 2016 xilli ay wales guuldarro la kulmeyn kulankaasi oo 2-1 looga adkaaday.

Tani waa markii ugu horreysay ee England  la ciyaarayaan koobka Adduunka xul ka socdo Britain, Saddexda libaax ayaan wax guuldaro ah la kulmin dhammaan 3-dii kulan ee ay la ciyaareen xulalka British-ka ah tartanka koobka Qaramadda yurub ee Uefa European Championship waxa ay hal guul iyo hal barbaro ka haystaan xulka Scotland, sidoo kale waxay hal guul ka haystaan Wales.

England ayaa laga badiyay kulankii seddexaad iyo kii ugu dambeeyay ee heerka group-yada kaliya labo ka mid ah 14-kii jeer ee ay ka qeyb galeen Koobka Adduunka ee Fifa 7 guul iyo barbaro dhac ah ayay haystaan, iyagoo sidaas sameeyay kulamadii ay wajaheen Spain 1950 iyo Belgium 2018.

Wales ayaa labo barbaro iyo guuldarro ah la kulantay toddabadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan markii ugu horaysay tan iyo May 2003 illaa November 2003, markii ugu dambeysay oo ay la kulmeen guuldarro la’aantooda ugu dheer waxay ahayd intii u dhexeesay March 2000 illaa September 2001 oo ay guul gaari waayeen 12 kulan oo xiriir ah.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka A.

Xulalka: England vs Wales.

Garoonka: Ahmed bin Ali Stadium

Garsooraha: Slavko Vincic (Slovenia)

Taariikhda: 29 Novembar 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

England: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Rice, Henderson; Sterling, Mount, Foden; Kane

Wales: Ward; Mepham, Rodon, Davies; Roberts, Ramsey, Ampadu, Williams; James, Moore, Bale.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button