2022 FIFA World Cup

Netherlands vs Qatar & Ecuador vs Senegal – Guruubka A ee Koobka Adduunka oo maanta la soo gabagabaynayo

Waxaa caawa la soo gabagabaynayaa Guruubka A ee Koobka Adduunka, iyadoo ay kulamadooda ugu dambeeya ee guruubkooda ay ciyaarayaan xulalka Ecuador vs Senegal & Netherlands vs Qatar.

Tababare Louis van Gaal ayaa sheegay in Netherlands ay ku qasban tahay inay rumaysato inay ku guuleysan karaan Koobka Adduunka sanadkan oo aysan kaliya bartilmaameedsanin inay gaaraan wareegga 16-ka ee tartanka.

Netherlands oo aan laga adkaanin 17 kulan oo ay ciyaartay ilaa iyo haatan ayaa 2-0 uga badiyey Senegal kulankoodii furitaanka Guruubkooda A, kaddibna waxa ay barbaro 1-1 ah la soo galeen xulka Ecuador kulankoodii labaad.

Xulka Holland waxa ay u baahan yihiin kulanka caawa ay wajahayaan marti-geliyeyaasha Koobka Adduunka sanadkan ee Qatar si ay ugu soo baxaan wareegga 16-ka.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

  • Netherlands ayaa guuleysatay dhammaan afartii kulan oo ay ciyaartay xul ka socda qaaradda Asia, waxaana ay ka dhaliyeen 11 gool, iyadoo laga dhaliyey kaliya hal gool, yeelkeede kulankani waa kii ugu horreeyey abid oo ay tartan waliba la ciyaaraan xulka Qatar.

  • Qatar ayaa guuldarreysatay labadeedii kulan ee ay ciyaartay ilaa iyo haatan Koobka Adduunka ee 2022, waana ay ka hareen tartanka, laakiin ma jiro waddan martigelinaya tartanka oo abid laga adkaaday saddexda kulan ee tartankan ay ka ciyaareen heerka guruubyada, caawa Qatar ayay ku dhici kartaa in saddexda laga wada badiyo.

  • Xulka Netherlands ayaa goolka ku tuuray labo shuut kulankii ay barbaraha 1-1 ah la galeen Ecuador, taasi waxay ahayd dadaalkii ugu yaraa oo uu sameeyo dal Yurub ah kulan koobka Adduunka ah tan iyo 1966-kii.

  • Dalka martida loo yahay ayaa badiyay kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka Guruubyada shan ka mid ah lixdii tartan ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka oo ay ku jiraan labada waddan ee Japan iyo South Korea oo si wadajir ah u marti galiyay tartankan sanadkii 2002, iyadoo Russia oo ahaa martigeliyaha koobka Adduunka 2018 uu 3-0 ku garaacday Uruguay.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka A.

Xulalka: Netherlands vs Qatar.

Garoonka: Al Bayt Stadium.

Garsooraha: Bakary Papa Gassama (Gambia).

Taariikhda: 29 Novembar 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Netherlands: Noppert; Timber, Van Dijk, Ake; Dumfries, Berghuis, F de Jong, Blind; Gakpo; Bergwijn, Memphis.

Qatar: Barsham; Miguel, Khoukhi, Hassan; Mohammad, Hatem, Madibo, Al-Haydos, Ahmed; Ali, Muntari.

Ecuador vs Senegal.

Dhinaca kale xulalka Ecuador & Senegal ayaa caawa isku dheggan xulkii adkaada ayaana u soo gudbi doona wareegga 16-ka Koobka Adduunka sanadkan.

Macallin Gustavo Alfaro ayaa doonaya in xulkiisa Ecuador ay ka dhigaan sanadkaan Koobkii adduunka ee ugu wanaagsanaa taariikhda reer Ecuador, iyagoo doonaya inay u soo baxaan caawa wareegga 16-ka.

Ecuador ayaa u soo bixi doona wareegga xiga ee bugbaxa haddii ay ka fogaadaan guuldarro caawa ka soo gaarta Senegal.

Xulka Macallin Alfaro ayaa ku jira kaalinta labaad ee Guruubka A, kaddib markii ay soo garaaceen Qatar, isla markaana ay barbaro la soo galeen xulka hoggaaminaya haatan Guruubka ee Netherlands.

Haddii ay soo baxaan caawa Ecuador waxa ay la mid noqon doontaa heerkoodii ugu fiicnaa abid ee Koobka Adduunka markii ay gaareen wareegga 16-ka Koobkii Adduunka ee 2006 lagu qabtay Jarmalka, markaasoo xulka qaranka England uu tartankaas ka soo reebay.

Senegal waxa ay ku jiraan kaalinta saddexaad ee Guruubka A, kaddib markii ay saddex dhibic ka soo heleen labadoodii kulan ee ugu horreeyey, tartanka waa ay isaga hari doonaan haddii caawa laga adkaado, waxa ay baahan yihiin guul si ay u soo gudbaan, ama haddii kale marti-geliyeyaasha tartanka ee Qatar inay garaacaan Netherlands.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

  • Kulankani waa markii ugu horreysay oo Ecuador uu kulan koobka Adduunka ah la ciyaaray xul ka socda qaaradda Afrika, xulka ay caawa wajahayaan ee Senegal ayaanan wax guul ah gaarin labadii kulan ee hore oo ay la ciyaareen xul ka socda Koonfurta Ameerika, iyadoo labaduba ay yimaadeen ciyaarihii ugu dambeeyey ee heerka guruubyada tartanka, mar waxa ay 3-3 barbaro ah la galeen Uruguay sanadkii 2002, marka kalena waxa ay 1-0 ku dubteen Colombia sanadkii 2018.

  • Haddii ay guuldarro ka fogaadaan kulanka caawa xulka Ecuador ayaa su oo bixi doona wareegga 16-ka Koobka Adduunka markoodii labaad taariikhdooda, waxaana ay sidaas oo kale sameeyeen sanadkii 2006, sidoo kalena waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo iyagoo aan laga adkaan oo unbeaten ah ay ka soo baxana heerka guruubyada.

  • Enner Valencia ayaa lix gool oo Koobka Adduunka ah u dhaliyey xulkiisa Ecuador waxaana uu labo ka badan yahay ciyaaryahan kasta oo kale ee qarankiisa ah, Agustin Delgado ayaa saddex gool leh, Valencia ayaana lixdaas gool oo uu ka dhaliyey koobka Adduunka ku dhaliyey kaliya sagaal shuut oo bartilmaameed toos ah.

  • Valencia ayaa sidoo kale dhaliyey mid kasta oo ka mid ah lixdii gool ee ugu dambeeyey oo uu xulka qaranka Ecuador ka dhaliyey Koobka Adduunka, ciyaaryahankii ugu horreeyey ee hal qaran sidaas u sameeya waxa uu ahaa Oleg Salenko oo Russia u sameeyey sanadkii 1994-kii.

  • Enner Valencia ayaa caawa haddii uu gool dhaliyo noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyey taariikhda Koobka Adduunka ee todoba gool oo xiriir ah u dhaliya qarankiisa.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka A.

Xulalka: Ecuador vs Senegal.

Garoonka: Khalifa International Stadium.

Garsooraha: Clement Turpin (France).

Taariikhda: 29 Novembar 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Ecuador: Galindez; Porozo, Torres, Hincapie; Preciado, Mendez, Caicedo, Estupinan; Plata, Sarmiento; Estrada.

Senegal: Mendy; Sabaly, Koulibaly, Diallo, Jakobs; Sarr, Mendy, Gueye, Diatta; Dia, Diedhiou.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button