2022 FIFA World Cup

ARGENTINA VS POLAND & MEXICO VS SAUDI ARABIA – GURUUBKA C EE KOOBKA ADDUUNKA OO MAANTA LA SOO GABAGABAYNAYO

Waxaa caawa la soo gabagabaynayaa Guruubka C ee Koobka Adduunka, iyadoo ay kulamadooda ugu dambeeya ee guruubkooda ay ciyaarayaan xulalka Mexico vs Saudi Arabia & Argentina & Poland.

Tababaraha xulka qaranka Poland Czeslaw Michniewicz ayaa laga yaabaa in uu cayaaro  qaab difaac ah isaga oo xulkiisa kaliya u baahan bar-baro si ay u xaqiijiyaan wareegga 16-ka.

Weeraryahan Arkadiusz Milik oo Robert Lewandowski ku weheliyay guushii ay ka gaareen Saudi Arabia, ayaa laga yaabaa inuu fursad u helo khadka dhexe ee weerarka

Argentina oo u baahan guul si ay ugu soo gudbaan wareegga 16-ka, waxay haystaan saf dhammeystiran mana jiro wax walaac dhaawac ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Enzo Fernandez oo 21 jir ah oo beddel ku soo galay ayaa dhaliyey goolka labaad ciyaartii ay 2-0 kaga adkaadeen xulka Mexico, waxaana uu u tartamayaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii ​​ugu horreeyay ee caalami ah.

Barbaro ay galaan ayaa u diri doona Argentina inay u soo baxaan wareegga 16-ka waa haddii Saudi Arabia iyo Mexico ay sidoo kale barbaro galaan, laakiin  haddii Mexico ay kaga badiyaan Saudi Arabia ilaa laba gool iyo wax ka badan oo Argentina barbaro gasho waxaa soo gudbi doono xulka Mexico.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

Poland waxa ay gaari kartaa heerka bug-baxa Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo 1986-dii markaasoo ay u soo baxeen mid ka mid ah xulalka kaalinta saddexaad ugu fiicnaa inkastoo ay 3-0 kaga badiyeen England.

Poland ayaa u tartamaysa in ay shabaqeeda ilaashato afar kulan oo isku xigta oo koobka adduunka ah markii ugu horreysay.

Lionel Messi ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu u saftay Argentina, isagoo dhaliyay 12 gool guud ahaan muddadaas, waligiis 7 kulan oo xiriir ah gool uma dhalin dalkiisa.

Messi ayaa qarka u saaran inuu ciyaaro kulankiisii 22-aad ee Koobka adduunka, waana rikoor cusub oo uu u diiwaangashan Argentina. Kaliya Lothar Matthaus oo saftay 25 kulan, sidoo kale Miroslav Klose ayaa isaga cayaaray 24 kulan iyo Paolo Maldini oo xulkiisa u ciyaaray 23 kulan ayaa ah xiddigaha inta ugu badan ka soo muuqday koobka Adduunka iyagoo matalayo xulalkooda.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka C.

Xulalka: Argentina vs Poland .

Garoonka:  Stadium 974

Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)

Taariikhda: 30 Novembar 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Argentina: E. Martinez; Molina, Otamendi, Li. Martinez, Tagliafico; Fernandez, Paredes, De Paul; Messi, La. Martinez, Di Maria

Poland: Szczesny; Cash, Glik, Kiwior, Bereszynski; Zielinski, Bielik, Krychowiak, Frankowski; Milik, Lewandowski

Mexico vs Saudi Arabia.

Dhinaca kale xulalka Mexico iyo Saudi Arabia ayaa caawa wada cayaari doona Guruubka C tartanka koobka Adduunka.

Kabtanka Saudi Arabia ee Salman Al Faraj ayaa laga saaray tartanka kaddib dhaawac dhanka madaxa ah oo soo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee la ciyaareen Poland.

Daafaca midig Mohammed Al Burayk ayaa qaba xanuun kubka ah, halka ciyaaryahanka khadka dhexe Abdulelah Al Malki uu ganaax ku maqanaan doono.

Tababaraha Mexico ee Tata Martino ayaa laga yaabaa inuu dib ugu yeero khadka dhexe ee Edson Alvarez kaddib markii kabtan Andres Guardado uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankoodii ugu dambeeyay.

Martino ayay u badan tahay inuu dib ugu soo laaban doono afarta dambe ee daafaca, taasoo la micno ah inuu weerarka ku soo bilaaban doono Raul Jimenez.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

Mexico ayaan laga badinin shan kulan oo ay hore ula kulmeen Saudi Arabia, afar jeer ayey badisay, halka kulanka kalena ay barbaro galeen.

Saudi Arabia ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso siddeed ka mid ah 16-kii kulan ee ay ciyaareen sanadkan 2022, kaliya wax ka badan hal jeer oo shabaqa ay soo taabteen waana guushii 2-1 ay ka gaareen Argentina Talaadadii hore.

Mexico waxaa ugu dambeysay in ay ku harto heerka group-yada 1978-dii, waxaana ay gaareen wareegga 16-ka mid kasta oo ka mid ah todobadii koob Adduun ee lasoo dhaafay.

Mexico ayaa labadii kulan ee ugu horreysay shan darbo ku tuurtay goolka, iyadoo mid walba uu ka yimid ciyaaryahano kala duwan.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka C.

Xulalka: Mexico vs Saudi Arabia.

Garoonka:  Lusail Stadium

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Taariikhda: 30 Novembar 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Mexico : Ochoa; Sanchez, Moreno, Montes, Gallardo; Herrera, Guardado, Chavez; Lozano, Jimenez, Vega

Saudi Arabia.: Alowais; Abdulhamid, Al-Amri, Tambakti, Al-Ghannam; Kanno; Al-Buraikan, Al-Hassan, Al-Najei, Al-Dawsari; Al-Shehri

Astaan Sports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button