2022 FIFA World Cup

Australia vs Denmark & Tunisia vs France – Guruubka D ee Koobka Adduunka oo maanta la soo gabagabaynayo

Waxaa caawa la soo gabagabaynayaa Guruubka D ee Koobka Adduunka, iyadoo ay kulamadooda ugu dambeeya ee guruubkooda ay ciyaarayaan xulalka Australia vs Denmark & Tunisia vs France.

Xulka qaranka Denmark ayaan wax dhaawac cusub ah laga soo sheegin ka hor kulankooda ay qasabka tahay inay adkaadaan haddii ay doonayaan inay soo gudbaan, kaasoo dhacaya Al-Wakrah.

Australia iyo Denmark oo caawa ku wada ciyaaraya garoonka Al Janoub Stadium ayaa xulkii adkaada waxa uu u soo gudbi doonaa wareegga 16-ka Koobka Adduunka.

Xulka guruubkan D kula jira ee France ayaa horay u xaqiijiyey inuu u soo baxay wareegga bugbaxa ee Koobka Adduunka.

Xaqiiqooyinka kulanka Australia iyo Denmark:-

  • Xulalka Australia iyo Denmark ayaa isaga horyimid kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobkii Adduunka 2018, iyagoo ku kala baxay barbaro 1-1 ah, rigoore uu dhaliyay Mile Jedinak ayaa kansalay goolkii furitaanka ee Christian Eriksen.

  • Xulka qaranka Australia ayaa indhaha ku haya inuu ka soo baxdo heerka guruubyada koobka adduunka markiisii labaad, waxay sidaas horay u sameeyeen sanadkii 2006.

  • Xulka Denmark ayaa haatan ku guuldarreystay inuu guul gaaro mid kasta oo ka mid ah shantiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray koobka Adduunka, waxaana uu la kulmay afar barbaro iyo hal guuldarro, waana guul la’aantoodii ugu dheerayd abid ee tartankan.

  • Markii ugu dambeysay oo xulka Denmark uu dhaliyo wax ka badan hal gool kulan koobka Adduunka ah, waxa uu ahaa kulan ay 2-1 uga adkaadeen Cameroon oo dhacay koobkii Adduunka ee 2010.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka D.

Xulalka: Australia vs Denmark.

Garoonka: Al Janoub Stadium.

Garsooraha: Mustapha Ghorbal (Algeria).

Taariikhda: 30 November 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Australia: Ryan; Karacic, Souttar, Rowles, Behich; Leckie, Irvine, Mooy, McGree, Goodwin; Duke.

Denmark: Schmeichel; Andersen, Kjaer, Christensen; Kristensen, Hojbjerg, Eriksen, Maehle; Skov Olsen, Dolberg, Damsgaard.

Tunisia vs France

Isagoo horay u xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka xulka France ayaa booqan doonta garoonka Education City Stadium caawa, halkaasoo uu kulankiisa ugu dambeeya Guruubka D uu kula ciyaari doona Tunisia.

Dhanka kale, xulka qaranka Afrika ee Tunisia ayaa fadhiya halka ugu hooseysa kala sarraynta Guruubka D, waana in uu ka adkaadaa xulka koobka adduunka difaacanaya ee France si uu u muujiyo fursad kasta oo uu ugu soo bixi karo wareegga 16-ka koobka Adduunka.

Xaqiiqooyinka kulanka Tunisia iyo France:-

  • Kulanki waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah oo dhexmara labada xul ee Tunisia iyo France.

  • Xulka Tunisia ayaa adkaaday kaliya labo jeer 17-koodii kulan ee ay ciyaareen Koobka Adduunka.

  • France waa xulkii ugu horreeyay ee difaacanaya koobka aduunka ee gaara wareegga 16-ka tan iyo Brazil oo sidaasi yeelay sanadkii 2006-dii.

  • Kylian Mbappe ayaa 50 gool u dhaliyay kooxdiisa iyo waddankiisa sanadka 2022, waa markii labaad ee uu gaaro 50 gool sanad gudihiis, isagoo sidoo kale dhaliyay 51 gool sanadkii hore ee 2021.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka D.

Xulalka: Tunisia vs France.

Garoonka: Education City Stadium.

Garsooraha: Matthew Conger (New Zealand).

Taariikhda: 30 November 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Tunisia: Dahmen; Bronn, Talbi, Meriah; Kechrida, Skhiri, Laidouni, Abdi; Msakni, Sliti; Khazri.

France: Mandanda; Pavard, Konate, Varane, Camavinga; Guendouzi, Fofana; Coman, Griezmann, Mbappe; Thuram.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button