GERMANY VS COSTA RICA & SPAIN VS JAPAN – GURUUBKA E EE KOOBKA ADDUUNKA OO MAANTA LA SOO GABAGABAYNAYO
Waxaa caawa la soo gabagabaynayaa Guruubka E ee Koobka Adduunka, iyadoo ay kulamadooda ugu dambeeya ee guruubkooda ay ciyaarayaan xulalka Germany vs Costa Rica Spain & Japan.
Tababare Luis Fernando Suarez ayaa sheegay in Costa Rica ay rajo wanaagsan ka qabaan u soo bixitaanka wareegga 16-ka koobka Adduunka.
Rajada xulka Costa Rica ayaa dib u soo laabatay kaddib markii ay garaaceen Japan, guul ay ka gaaraan Jarmalka waxay u diri doontaa u soo bixitaanka wareegga 16-ka koobka Adduunka.
Luis Fernando Suarez ayaana meesha ka saarin iney sameyn karaan geesinimadooda 2014-kii, markii ay garaaceen Italy iyo England.
“Siddeed sano ayaa ka soo wareegtay ciyaartoyduna way is beddeleen laakiin xusuus fiican ayey noo tahay” ayuu yiri Suarez.
“Waxaan u baahanahay inaan niyad ahaan si xooga u shaqeeno oo an bixino tamar badan kulankaan, hadii aan ka adkaano Germany waxay noo ahaan doontaa wax weyn waana ku faani doonaa inaan mas’uul ka nahay arintaas”.
Barbaro ayaa ku filan Costa Rica, laakiin Germany ayaa ku qasban in ay badiyaan iyaga oo 2-1 guuldarro ah kala kulmay Japan kulankoodii furitaanka ka hor inta ayna bar-baro 1-1 ah la galin Spain.
Guuleystayaasha afarta jeer ah ayaa ku haray heerka Guruubka koobkii Adduunka 2018-kii, markii ugu horreysay muddo 80 sano ah, tababare Hansi Flick ayaa sheegay inuusan qorsheyneynin inuu xilka ka tago haddii ay mar kale ku haraan heerka Guruubka.
Flick oo shaqada kala wareegay Joachim Low bishii Ogosto 2021 ayaa yiri: “Waxan haystaa heshiis ilaa 2024 ah, waxaanan rajaynayaa in aan hoggaamiyo Euros 2024 laakiin waa wakhti dheer ilaa wakhtigaas”.
“Waxaan dooneynaa inaan cadaaadis saarno Cosra Rica si aan u xaqiijino u soo bixitaanka wareegga 16-ka waa inaan muujinaa qaab cayaareedkii aan soo bandhignay kulankii Spain.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay macalinka xulka Germany Hansi Flick.
Wararka labada xul:
Daafaca dhexe ee Costa Rica Francisco Calvo ayaa ganaax ku maqanaan doona kaddib markii uu qaatay jaalihii labaad ee tartanka kulankii Japan.
Daniel Chacon, oo 21 jir ah, ayaa beddel ku soo galay kulankii ay guusha ka gaareen Jaban laakiin tababare Suarez ayaa laga yaabaa inuu doorbido khibradda Juan Pablo Vargas, oo 27 jir ah.
Germany Leroy Sane ayaa ku soo bilaaban kara kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac garabka ka soo gaaray wuxuuna beddel ku soo galay kulankii Spain.
Niclas Fullkrug ayaa rajeynaya inuu kusoo bilowdo kaddib markii lagu beddelay Thomas Muller isagoo dhaliyay goolka barbaraha kulankii Spain ay la cayaareen.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka E.
Xulalka: Germany vs Costa Rica.
Garoonka: Al Bayt Stadium
Garsooraha: Stephanie Frappart (France)
Taariikhda: 01 December 2022.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Germany : Neuer; Klostermann, Sule, Rudiger, Raum; Kimmich, Gundogan; Gnabry, Musiala, Sane; Fullkrug
Costa Rica : Navas; Fuller, Duarte, Vargas, Watson, Oviedo; Torres, Borges, Tejeda, Campbell; Contreras
Spain Vs Japan
Dhinaca kale xulalka Spain iyo Japan ayaa caawa wada cayaari doona Guruubka E tartanka koobka Adduunka.
Tababaraha xulka qaranka Spain Luis Enrique ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin kulanka ay wajahayaan Japan kulankoodii ugu dambeeyo ee Guruubka E koobka adduunka.
Inkastoo ay ku guuleysteen Spain koobkii Adduunka 2010-kii waxay u baahan yihiin kaliya hal dhibic si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka, dhammaan afarta xul ee ku jira Guruubka E waxay heystaan fursad ay ku soo baxi karaan mid kasto ka mid ah.
Todobo ciyaaryahan oo ka tirsan 26-ka ciyaaryahan ee Spain ku matalayo koobka Adduunka ayaana weli ka soo muuqan xulka Spain, laakiin Enrique lama hubo inuu siin doono fursad ay ku ciyaaraan caawa.
“Qaar ka mid ah xiddigahaasi ayaa laga yaabaa inaysan gabi ahaanba ciyaarin tartanka dhammaanteen waan ognahay sida aan u shaqeeno,” ayuu yiri Luis Enrique .
Mid kasta oo ka mid ah afarta waddan ayaa weli u soo bixi kara, koobka Adduunka taasina waa wax aad u cad.
“Waxaan halkaan u joognaa inaan badino waxaan dooneynaa inaan noqono kuwa ku soo baxo kaalinta koowaa ee Guruubka E” ayuu yiri macalinka xulka Spain Luis Enrique.
Japan ayaa 2-1 ku garaacday Germany kulankoodii ugu horreeyay balse waxay 1-0 guuldarro ah kala kulmeen Costa Rica taas oo ka dhigtay in iyaga iyo Costa Rica ay hal dhibic ka dambeeyaan Spain oo hogaaminaysa Guruubka E iyada oo Japan ay doonayso in ay u soo baxdo wareega 16-ka ee koobka Adduunka markoodii labaad oo xiriir ah.
“Waxaan jeclaan lahaa in ciyaartoyda ay si wanaagsan u ciyaaraan si ay u kordhiyaan qiimaha ay ku leeyihiin indhaha dadka reer Japan, waxaana rajeynayaa inaan rajo gelin karno marka ay eegaan ciyaarteena ayuu yiri tababare Hajime Moriyasu.
Wararka labada Xul:
Daafacyada Japan Takehiro Tomiyasu iyo Hiroki Sakai ayaa labadoodaba shaki la gelinayaa iney ciyaari karaan waxayna qabaan dhaawacyo muruqa ah.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Japan Wataru Endo ayaa laga yaabaa inuu seego kulankan kaddib markii uu seegay tababarka dhibaato xanuun dhanka jilibka ah.
Spain Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Gavi, oo 18 jir ah, ayaa shaki laga muujinayaa kaddib markii uu dhaawac fudud ku seegay tababarka.
Kabtan Sergio Busquets ayaa hal jaale u jira ganaax, waxaana lagu wadaa in la nasiyo kualankan.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka E.
Xulalka: Spain vs Japan.
Garoonka: Khalifa International Stadium
Garsooraha: Victor Gomes (South Africa)
Taariikhda: 01 December 2022.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Spain : Simon; Carvajal, P. Torres, Laporte, Alba; Koke, Rodri, Pedri; F. Torres, Morata, Olmo
Japan : Gonda; Yamane, Itakura, Yoshida, Nagatomo; Tanaka, Morita; Doan, Kamada, Kubo; Maeda
Astaan Sports.