2022 FIFA World Cup

Argentina vs Australia… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee 16-ka Koobka Adduunka)

Xulalka Argentina iyo Australia ayaa kulan qeyb ka ah wareegga 16-ka Koobka Adduunka, waxa ay caawa ku wada ciyaari doonaan garoonka Ahmed bin Ali Stadium.

Weeraryahanka Argentina Lionel Messi ayaa safan doona kulankiisii ​​1,000-aad ee xirfadiisa ciyaareed caawa wareegga 16-ka koobka Adduunka ciyaar ay wajahayaan xulka Australia.

Waxa uu guuleystay 169 kulan 778 kulan oo u saftay Barcelona halka 53 kulan oo uu u saftay kooxda haatan ee Paris St-Germain uu guul la gaaray.

Haddii laga badiyo waxay noqon kartaa markii ugu dambeysay ee 35 jirkaan uu ciyaaro Koobka Adduunka.

“Waa inaan ka digtoonaano wax walba, kulankan wuxuu go’aamin doonaa natiijada ciyaarta” daafaca Australia Harry Souttar ayaa yiri.

Messi ayaa labo gool ka dhaliyay koobka Adduunka ka hor inta uusan khasaarin rigoore kulankii Poland.

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni oo xulkiisu ay yihiin xulka labaad ee ugu cadcad inay ku guulaystaan ​​koobka Adduunka marka laga soo tago Brazil  ayaa ka cawday in xulkiisu uusan helin wakhti ku filan si ay iskugu  diyaariyaan kooba Adduunka.

Australia ayaa Arbacadii garaacday Denmark si ay ugu soo baxdo wareegga 16-ka halka Argentina ay ka adkaatay Poland waxayna ku xaqiijiyeen kaalinta koowaad Guruubkooda C.

Tababaraha Australia Graham Arnold ayaa isku diyaarinaya xulkiisa kaliya kulankoodii labaad ee bug-baxa koobka Adduunka, waxay guuldarro 1-0 kala kulmeen xulka Italy wareegga 16-ka ee u dambeeyay 2006-dii.

“Waa kulan dagaal ah waana inaan la dagaallanaa taas oo aan ku hubinno inaan u soo gudubno wareegga sideed dhammaadka koobka Adduunka” ayuu yiri Graham Arnold .

Wararka labada xul:

Laacibka reer Argentina Angel di Maria ayaa beddel ku baxay  kulankii Poland, sababtoo ah waxaa looga baqay dhaawac bowdada ah.

Tababare Lionel Scaloni ayaa kala dooran doona labada weeraryahan ee Lautaro Martinez iyo Julian Alvarez.

Tababaraha Australia Graham Arnold ayaa laga yaabaa inuu ku adkeysto isla safkii ka adkaaday Denmark.

Daafaca buuxa Nathaniel Atkinson ayaa ka soo kabtay dhaawac waxaana macquul ah in dib loogu yeero.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

Guusha kaliya ee Australiya ka heshay todobadii kulan ee hore ula caayartay Argentina waxay ahayd kulankoodii ugu horeeyay 1988-kii.

Xulka qaranka Argentina ayaa markii 9-aad soo gaaray wareega 16-ka koobka Adduunka 10-kii koob Adduun ee ugu dambeeyay.

Messi ayaa sameeyay 23 iskuday isaga oo aan wax gool ah ka dhalin wareegga bug baxa ee koobka Adduunka xulka qaranka Argentina.

Australia ayaa badisay kulamo xiriir ah oo ay shabaqa ilaashadeen markii ugu horreysay koobka Adduunka horey waxa ay shabaqooda u ilaashadeen labo kulan oo tartankan ah  waxayana ahayd sanadkii 1974.

Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee Argentina & Australia:-

Labada xul ee Argentina iyo Australia ayaa horay u wada ciyaaray todoba kulan, waxaa shan ka mid ah kulamadaas adkaaday xulka Argentina, hal kulan waxaa badiyey xulka Australia, halka kulan oo kalena waxa ay galeen barbaro.

Todobadaas kulan oo caawa ka hor ay wada ciyaareen labada xul, Argentina ayaa dhaliyey 12 gool, halka xulka Australia uu dhaliyey 7 gool.

Todobadii kulanka ee hore iyo taariikhda ay ciyaareen labadan dal:-

14-kii July sanadkii 1988-kii: Australia 4-1 Argentina (Bicentennial Gold Cup).

18-kii June sanadkii 1992-kii: Argentina 2-0 Australia (Saaxiibtinnimo)

31-kii October sanadkii 1993-kii: Australia 1-1 Argentina (World Cup qualifying playoff).

17-kii November sanadkii 1993-kii: Argentina 1-0 Australia (World Cup qualifying playoff).

30-kii June sanadkii 1995-kii: Argentina 2-0 Australia (Saaxiibtinnimo).

18-kii June sanadkii 2005-tii: Australia 2-4 Argentina (FIFA Confederations Cup).

11-kii September sanadkii 2007-dii: Australia 0-1 Argentina (Saaxiibtinnimo).

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.

Xulalka: Argentina & Australia.

Garoonka: Ahmed bin Ali Stadium.

Garsooraha: Szymon Marciniak (Poland)

Taariikhda: 03 December 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Argentina: E. Martinez; Molina, Otamendi, Romero, Tagliafico; Mac Allister, Fernandez, De Paul; Alvarez, Messi, Di Maria

Australia.: Ryan; Karacic, Souttar, Rowles, Behich; Mooy; Leckie, Irvine, McGree, Goodwin; Duke

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button