2022 FIFA World Cup

Netherlands vs USA… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka maanta ee 16-ka Koobka Adduunka)

Xulalka Netherlands iyo USA ayaa kulan qeyb ka ah wareegga 16-ka Koobka Adduunka, waxa ay maqribnimada maanta ku wada ciyaari doonaan garoonka Khalifa International Stadium.

Xulka uu hoggaamiyo tababare Louis van Gaal ayaa ku soo baxay kaalinta koowaad ee Guruubka A, waxaana ay xaqiijiyeen inay u soo gudbeen wareegga 16-ka Koobka Adduunka, halka xiddigaha Mareykanka ay kaalinta labaad kaga soo gudbeen Guruubka B, iyagoo ka dambeeyey xulka England.

Holland ayaa min 2-0 ku soo garaacay xulalka Senegal iyo Qatar, halka ay barbaro 1-1 ah la soo galeen Ecuador heerka guruubyada ee Koobka Adduunka 2022, laakiin qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ciyaaraha ayaa ku eedeeyey xulka Dutch inuusan qaadin weeraro ku filan.

Waxaa la xusuustaa in xulka uu hoggaaminayey Van Gaal ee Holland ay guuldarro kala kulmeen xulka Argentina oo kaga adkaaday rigooreyaal afar dhammaadkii koobkii Adduunka ee lagu qabtay Brazil.

Dhanka kale xulka USA ayaa barbaro 1-1 la galay Wales, waxayna barbaro goolal la’aan ah la galeen England, ka hor inta aysan 1-0 ku garaacin xulka Iran, sidaas ayayna Mareykanku ku yimaadeen wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee 2022.

Wararka labada xul:

Xulka qaranka Netherlands ayaan qabin wax walaac dhaawacyo ah kulankan.

Dhinaca kale xulka qaranka USA ayaa xaqiijiyey in weeraryahanka Chelsea ee Christian Pulisic uu taam u yahay inuu maanta wajaho xulka Dutch.

Pulisic ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay Talaadadii guusha ka gaareen Iran, kaddib markii uu dhaawac misigta ka soo gaaray, laakiin hadda waxa uu taam u yahay inuu wajaho xulka Holland.

Josh Sargent oo sidoo kale isna kulankaasi ku baxay dhaawac anqowga ah ayaa xaaladdiisa la qiimeyn doonaa ka hor kulanka maanta haddii uu ciyaari karo iyo haddii kale.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

  • Xulka qaranka Netherlands ayaa guuleystay afar ka mid ah shantii kulan ee saaxiibtinnimo oo ay horay ula ciyaareen USA.

  • Xulka Holland ayaa markii ugu horreysay u soo bixi kara wareegga siddeed dhammaadka saddex koob Adduun oo isku xiga.

  • Louis Van Gaal oo haysta 7 guul iyo 3 barbaro ayaa noqon kara tababarihii saddexaad oo aan laga badin mid kasta oo ka mid ah 11-kiisii kulan ee ugu horreyeey Koobka Adduunka, waxaana ka horreeyay Tababare Luiz Felipe Scolari oo 12-kiisii kulan ee ugu horreeyey Koobka Adduunka ee isagoo kala hoggaaminayey Brazil iyo Portugal aan laga adkaanin intii u dhexeysay 2002 ilaa 2006 iyo Macallin Mário Zagallo oo isna aan 11-kiisii kulan ee ugu horreeyey koobka Adduunka aan laga adkaan isagoo watay xulka Brazil intii u dhexeysay 1970-1974.

  • Xulka qaranka USA ayaa markii ugu horreysay gaaray wareegga 16-ka saddex koob Adduun oo xiriir ah waana sanadihii 2010, 2014 iyo sanadkan 2022.

  • Xulka Netherlands ayaan laga adkaanin 17-koodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka.

  • Xulka Netherlands ayaa shabaqiisa gool ka ilaashaday shan ka mid ah lixdiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray Koobka Adduunka.

  • Xulka USA ayaan la garaacin 10 ka mid ah 11-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray Koobka Adduunka.

Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee Netherlands & USA:-

Shan kulan oo ahaa dhammaantood kuwo saaxiibtinnimo oo ay labadaan xul horay u soo wada ciyaareen afar ka mid ah waxaa adkaaday xulka Netherlands, halka kulanka kale uu badiyey USA, mana jirin wax barbaro ah oo ay horay u galeen labadaan dal.

Yeelkeede, muddadaas shanta kulan ah xulka qaranka Holland ayaa dhaliyey 10 gool, halka Mareykanku uu dhaliyey 5 gool.

Shanta kulanka iyo taariikhda ay ciyaareen labadan dal:-

21-kii Febraayo sanadkii 1998-kii: USA 0-2 Netherlands (Saaxiibtinnimo).

19-kii May sanadkii 2002-dii: USA 0-2 Netherlands (Saaxiibtinnimo).

18-kii Febraayo sanadkii 2004-tii: Netherlands 1-0 USA (Saaxiibtinnimo).

3-dii Maarso sanadkii 2010-kii: Netherlands 2-1 USA (Saaxiibtinnimo).

5-tii June sanadkii 2015-kii: Netherlands 3-4 USA (Saaxiibtinnimo).

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.

Xulalka: Netherlands & USA.

Garoonka: Khalifa International Stadium.

Garsooraha: Wilton Sampaio (Brazil).

Taariikhda: 03 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Netherlands: Noppert; Timber, Van Dijk, Ake; Dumfries, De Roon, F. De Jong, Blind; Klaassen; Gakpo, Depay.

USA: Turner; Dest, Carter-Vickers, Ream, Robinson; McKennie, Adams, Musah; Weah, Sargent, Pulisic.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button