England vs Senegal… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee 16-ka Koobka Adduunka)
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa haysta koox dhammeystiran si uu u wajaho xulka Senegal oo markii ugu horreysay ku kulmaan wareega 16-ka koobka Adduunka.
Marcus Rashford iyo Phil Foden ayaa ka mid ah ciyaartoyda soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan ciyaartii ay 3-0 kaga adkaadeen xulka Wales.
Daafaca kooxda Arsenal Ben White ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan England, wuxuuna ku maqanyahay arrimo isaga gaar u ah.
Macalinka xulka Qaranka Senegal Aliou Cisse, ayaa xanuun ku seegay tababarka xulka Senegal shalay oo ahayd Sabti.
“Laba maalmood ayuu xanuunsanaa” ayuu yiri ku xiggeenka tababaraha xulka Senegal Regis Bogaert, oo beddelay Cisse shirka jaraa’id ee shalay.
“Wuxuu noo ogolaaday inaan qaadano tababarka shalay, sida iska cad waxaan raacnay tilmaamaha uu na siiyay”
“Waxaan rajeyneynaa in uu awood u yeelan doono inuu yimaado kursiga keydka uu la fariisto ciyaartoyda haddii uu caafimaado si toos ayuu ula wareegi doonaa shaqadiisa ayuu yiri” tababare ku xiggeenka Regis Bogaert u sheegay warbaahinta.
Dhanka kale ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton Idrissa Gueye ayaa ganaax ku seegaya ciyaarta kaddib markii uu qaatay jaalihii labaad ee wareegga group-yada kulankii ugu dambeeyay ee Ecuador.
Xaqiiqooyinka kulanka:-
England waligeed lagama badin todobadii kulan ee hore ee koobka aduunka oo ay la ciyaareen kooxaha Africa afar guul ah iyo saddex barbaro ah (W4 D3) Ciyaarta kaliya ee horey ula ciyaareen xul ka soo jeedo Afrika wareegga 16-ka, waxa ay la ciyaareen xulka Cameroon sannadkii 1990-kii, waxa ayna kaga adkaadeen 3-2 kaddib waqtigii dheeriga ahaa, waxana goolasha u kala dhaliyay David Platt iyo laba rigoore uu dhaliyay Gary Lineker.
Xulka qaranka England ayaa isha ku haya in ay gaaraan wareegga 8 dhammaadka koobka aduunka markii ugu horraysay tan ilaa 2002-2006, xulka saddexda libaax ayaa laga adkaaday kaliya laba kulan oo ka mid ah toddobadii kulan ee wareega 16-ka ee tartankan, waxa ayna ciyaarahaasi wajaheen Germany 2010-kii ciyaar ku dhammaatay 4-1 oo looga adkaaday Englan iyo rigoorayaal ay kaga badiyeen xulka Argentina 1998-dii.
Wadamada Afrika ayaa laga badiyay 8 ka mid ah sagaalkii kulan ee wareegga Bug-baxa Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen xulalka Yurub, marka laga reebo Senegal oo 2-1 kaga badisay Sweden wareegga 16-ka koobkii Adduunka sannadkii 2002.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan tartamada, England waligood guuldarro kalama kulmin xul Afrikaan ah taariikhdooda waxayna ka haystaan 14 guul iyo lix barbaro ah.
Xulka qaranka Senegal ayaa markii labaad soo gaaray heerka bug-baxa ee koobka Adduunka iyaga oo horey ugu soo baxay 2002-dii (quarter-final) warreegga 16-ka Xulka qaranka Senegal ayaa guul dirqi ah ka gaaray xulalka Qatar iyo Ecuador oo ay isku arkeen heerka guruubyada koobka Aduunka markii ugu horraysay.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.
Xulalka: England & Senegal.
Garoonka: Al Bayt Stadium
Garsooraha: Ivan Barton (El Salvador)
Taariikhda: 04 December 2022.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
England.: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Rice, Henderson, Bellingham; Rashford, Kane, Foden
Senegal.: E. Mendy; Sabaly, Koulibaly, Diallo, Jakobs; P. Gueye, N. Mendy, Ciss; Ndiaye, Dia, Sarr
Astaan Sports