France vs Poland… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka maanta ee 16-ka Koobka Adduunka)
Labada xul ee guuldarrooyinka ku soo gabagabeeyey wareegga guruubyada Koobka Adduunka 2022 ayaa caawa wada ciyaari doona kulankooda 16-ka tartankan kaasoo ka dhacaya garoonka Al-Thumama Stadium.
Xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France ayaa wajahaya xulka Poland.
Les Bleus ayaa ku dhammaystay kaalinta koowaad ee Guruubka D si ay u xaqiijiyaan inay u soo baxeen wareegga 16-ka koobka Adduunka, halka xulka Macallin Czeslaw Michniewicz ay kaalinta labaad kaga soo baxeen guruubka C.
France oo ku soo guuleystay koobkii adudunka ee 2018 ayaa noqday xulkii ugu horreeyey ee isagoo dufaacanaya u soo baxa wareegga 16-ka Koobka Adduunka tan iyo xulka Brazil oo sidaas oo kale sameeyey sanadkii 2006.
Xulka France waxa ay soo baxeen wareegga 16-ka Koobka Adduunka iyagoo kulan u harsan yahay heerka guruubyada, ka hor inta aysan guuldarro layaab leh oo 1-0 ah ka soo gaareen Tunisia kulankoodii ugu dambeeyey ee Guruubka.
Wararka labada xul:–
Tababare Didier Deschamps ayaa sagaal beddel sameeyey kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Tunisia, laakiin waxa ay u badan tahay inuu ku soo bilaaban doono safka hore xiddigihii uu kaga adkaaday xulka Denmark todobaadkii hore.
Kabtan Hugo Lloris ayaa ku guuleysan kara kulankiisii 142-aad, isagoo barbareyn doona rikoorka Faransiiska ee Lilian Thuram waa haddii ay taasi dhacdee.
Macallin Czeslaw Michniewicz ayaa laga yaabaa inuu ku soo galo kulankan wajiyo cusub kaddib markii Poland ay guuldarro 2-0 ah kala kulantay Arbacadii xulka Argentina.
Weeraryahan Karol Swiderski ayaa ku soo bilowday ciyaartaas, balse waa la bedelay qeybtii nasashada, waxaana lagu bedeli karaa weeraryahan Arkadiusz Milik, kaasoo ku bilowday kulankii 2-0 ay kaga badiyeen Saudi Arabia.
Xaqiiqooyinka kulanka:-
- Kulankan ayaa noqon doona kii labaad ee ay ku kulmaan xulalka France iyo Poland koobka adduunka, waana markii ugu horraysay tan iyo markii ay ku kulmeen kulankoodii kaalinta saddexaad ee isreeb-reebka koobka adduunka sanadkii 1982-kii markaasoo ay 3-2 ku badisay Poland.
- France ayaan wax guuldarro ah la kulmin todobadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Poland tartammada oo dhan, waxayana ka haystaan 3 guul iyo 4 barbaro, guuldarradii ugu dambaysay waxa ay ahayd kulan saaxiibtinimo oo dhacay bishii Agoosto ee sanadkii 1982-kii, markaasoo France looga adkaaday 0-4.
- Tan iyo markii wareegga 16-ka la soo bandhigay sanadkii 1986-kii, xulka qaranka France ayaa marxaladdaan 16-ka ka soo muuqday shan jeer, waxaana ay u gudbeen siddeed dhammaadka sanadihii 1986, 1998, 2006, 2014 iyo 2018.
- Kani waxa uu noqon doonaa kulankii ugu horreeyey oo xulka qaranka Poland ay ciyaaraan heerka bugbaxa ee Koobka Adduunka tan iyo sanadkii 1986-kii, markaasoo ay guuldarro 4-0 kala kulmeen Brazil wareeggii 16-ka.
- Dalka Poland ayaa markii saddexadaad wajahaya xulka markaas difaacanaya Koobka Adduunka, waxaana ay guuldarro ka fogaadeen labadii kulan ee hore.
- Xulka qaranka France ayaa shabaqiisa ka ilaashaday Poland saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu wajahay tartammada oo dhan.
Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee France & Poland:-
Guud ahaan labadaan xul ayaa horay u kulmay 16 goor, laakiin xulka Poland ayaan wax guul ah gaarin tan iyo markii ay 4-0 ku garaaceen Les Bleus kulan saaxiibtinimo oo dhacay kaliya hal bil ka dib markii ay ku garaaceen Koobkii Adduunka ee 1982-kii.
Xulka France ayaa haysta 8 guul, Poland ayaa adkaaday 3 kulan, halka ay babraro galeen shan kulan, muddadaas xulka France waxa uu dhaliyey 27 gool, halka Poland ay dhaliyeen 16 gool.
16-ka kulanka iyo taariikhda ay ciyaareen labadan dal:-
Jan 22, 1939: France 4-0 Poland (International Friendly)
Sep 28, 1960: Poland 2-2 France (International Friendly)
Apr 11, 1962: France 1-3 Poland (International Friendly)
Oct 22, 1966: France 2-1 Poland (European Championship Qualifier)
Sep 17, 1967: Poland 1-4 France (European Championship Qualifier)
Sep 07, 1974: Poland 0-2 France (International Friendly)
Apr 24, 1976: France 2-0 Poland (International Friendly)
Jul 10, 1982: Poland 3-2 France (World Cup third-place playoff)
Aug 31, 1982: France 0-4 Poland (International Friendly)
Aug 15, 1990: France 0-0 Poland (International Friendly)
Aug 14, 1991: Poland 1-5 France (International Friendly)
Nov 16, 1994: Poland 0-0 France (European Championship Qualifier)
Aug 16, 1995: France 1-1 Poland (European Championship Qualifier)
Feb 23, 2000: France 1-0 Poland (International Friendly)
Nov 17, 2004: France 0-0 Poland (International Friendly)
Jun 09, 2011: Poland 0-1 France (International Friendly)
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.
Xulalka: France & Poland.
Garoonka: Al Thumama Stadium.
Garsooraha: Jesus Valenzuela (Venezuela).
Taariikhda: 04 December 2022.
Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
France: Lloris; Kounde, Varane, Upamecano, T. Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud.
Poland: Szczesny; Cash, Glik, Kiwior, Bereszynski; Frankowski, Bielik, Krychowiak, Zielinski; Lewandowski, Milik.
Astaan Sports