2022 FIFA World Cup

Brazil vs South Korea… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee 16-ka Koobka Adduunka)

Neymar ayaa diyaar u ah kulanka Brazil ee wareega 16-ka koobka Adduunka ee la ciyaarayaan South Korea caawa, sida uu xaqiijiyay tababare Tite.

Weeraryahanka oo 30 jir ah, ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Group-yada kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga midig kulankii furitaanka ee Serbia.

Xulka Brazil oo ka mid ahaa xulalka ugu cad cad tartanka koobka Adduunka ayaa u soo baxay wareegga 16-ka kaddib markii ay ku soo baxeen kaalinta kowaad ee Guruubka G inkastoo ay guuldarro kala kulmeen xulka Cameroon.

Mar la weydiiyay Axadii in Neymar uu taam u yahay soo laabashada kulanka caawa, Tite wuxuu ku jawaabay “haa”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay “Neymar wuxuu qaadan doonaa tababarka, hadii uu si fiican u tababarto wuu ciyaari doonaa”.

Xiddiga Paris St-Germain ayaa la beddelay daqiiqadii 80-aad ee ciyaartii ay qarankiisu 2-0 kaga adkaadeen xulka Serbia kaddib markii uu jilaafay Nikola Milenkovic, waxaana uu markii dambe ku tilmaamay dhaawaca mid ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa Neymar.

Neymar ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray: “Nolosheyda wax fudud kuma dhicin, mar walbana waxa ay ahayd in aan ka shaqeeyo riyadeyda iyo hadafyadayda, waligey qofna uma rabo wax xun, mar walbana waan caawin jiray qofka u baahan.

“Waan dhaawacmay laakiin waxaan hubaa inaan heli doono fursad aan dib ugu soo laabto sababtoo ah waxaan samayn doonaa wax kasta oo suurtogal ah si aan u caawiyo dalkayga” Ayuu yiri Neymar

Neymar ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa soo gaaray dhaawacyo dhowr ah cagtiisa midig isagoo ka maqnaa Copa America sannadkii 2019-kii kaddib markii uu seedaha ka soo gaaray dhaawac waxayna ku qaadatay dhowr toddobaad inuu ka soo kabsado.

Daafaca xulka Brazil Danilo ayaa sidoo kale taam u ah inuu soo laabto kulanka caawa, laakiin ciyaartoyda kala ah Alex Telles iyo weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa laga saaray tartanka inta ka dhiman kaddib dhaawacyo soo gaaray.

Dhanka kale, South Korea Hwang ayaa la dhibaatoonayo dhaawac soo gaaray kulankii Portugal ay guusha ka gaareen sidaa darteed Lee Jae-sung ayaa laga yaabaa inuu buuxiyo booskiisa.

Kim Min-jae ayaa la nasiyay kulankii Portugal sababo la xiriira dhaawac yar uu qabo waxaana weli shaki ku jiraa inuu ciyaari karo.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

Kulankan ayaa noqon doona kii 8-aad ee dhexmara Brazil iyo South Korea balse waa kulankii ugu horreeyay ee abid ay labada dhinac ku kulmaan koobka Adduunka, Brazil ayaa badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee hore kaliya hal kulan ayey Brazil guuldarro ka soo gaartay South Korea waxayna ahayd ciyaar saaxibtinimo taas oo dhacday  28 March 1999.

Brazil ayaa laga badiyay afar ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka Adduunka, Afartii guuldarro ee hore ee tartanka ka soo gaartay Brazil ayaa timid 36 kulan oo markaasi ka hor ay ciyaareen.

Ciyaartan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee South Korea ay u soo baxdo wareegga 16-ka koobka Adduunka tan iyo 2010, markaasoo ay garaaceen Uruguay wareega 16-ka.

Brazil ayaa ka soo baxday mid kasta oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegga labaad ee koobka Adduunka waxaa ugu dambeysay in lagu reebo warreegga 16-ka 1990 markaas oo ay la ciyaareen Argentina.

Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee Brazil & South Korea:-

Guud ahaan labada xul ayaa horay u kulmay toddob goor, xulka Brazil ayaa adkaaday lix kulan, South Korea ayaa adkaatay hal kulan, wax barbaro ah ma galin labada xul.

Brazil ayaa dhallisay 16 gool halka South Korea ay dhalliyeen 5 gool

Toddobada kulan ee hore u ciyaareen labadan dal:-

August 12, 1995: Brazil 1-0 South Korea (International Friendly)

August 10, 1997: Brazil 2-1 South Korea (Nike World Tour)

March 28, 1999: Brazil 0-1 South Korea (International Friendly)

November 20, 2002: Brazil 3-2 South Korea (International Friendly)

October 12, 2013: Brazil 2-0 South Korea (International Friendly)

November 19, 2019: Brazil 3-0 South Korea (International Friendly)

June 2, 2022: Brazil 5-1 South Korea (International Friendly)

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.

Xulalka: Brazil vs. South Korea

Garoonka:

Garsooraha:

Taariikhda: 05 December 2022.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Brazil:

South Korea:

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button