2022 FIFA World Cup

Japan vs Croatia… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka maanta ee 16-ka Koobka Adduunka)

Xulka ka yaabiyey dadka daawanaya Koobka Adduunka 2022 ee Japan ayaa markale isku dayi doonaa inay gaaraan wareegga xiga ee tartankan marka ay garoonka Al Janoub Stadium maanta kula ciyaarayaan Croatia kulan ku tirsan wareegga 16-ka Koobka Adduunka.

Wiilaha uu hoggaamiyo Macallin Hajime Moriyasu ayaa kaalinta koowaad kaga dhammaystay Guruubka E, waxaana ay ka sarreeyeen xulalka Spain iyo Germany.

Dhanka kale xulka kaalinta labaad ka galay koobkii Adduunka ee 2018 ayaa iyaguna kaalinta labaad kaga soo dhammaystay guruubka F, waxaana ay ka dambeeyeen xulka qaranka Morocco oo booska koowaad ee Guruubka ku soo baxay.

Xulka Japan ayaa Guruubka E ee Koobka Adduunka kaga yaabsaday xulalka Spain iyo Germany waana uu soo garaacay, iyagoo markii afaraad u soo baxay wareegga 16-ka Koobka Adduunka.

Xulka Croatia oo kaalinta labaad ka galay koobkii Adduunka ee 2018-kii ayaa doonaya inay ka hor istaagaan Japan inay markii ugu horraysay gaaraan wareegga siddeed dhammaadka koobka adduunka.

Dalka Croatia ayaa ku guuldarreystay inuu gool ka dhaliyo Morocco iyo Belgium, laakiin 4-1 ay ku garaaceen Canada ayaa u xaqiijisay inay ku soo baxaan kaalinta labaad ee Guruubka F.

Wararka labada xul:

Daafaca Japan ee Ko Itakura ayaa ganaax ku maqan kulankan, sidaas darteed Takehiro Tomiyasu ayaa ku soo bilaabanaya booskaas, maadaama uu haatan taam u yahay inuu ku soo bilowdo kaddib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray bilowgii tartanka.

Si kastaba ha ahaatee, Takefusa Kubo ayaa seegay tababarkii Sabtidii sababo la xiriira xanuun dhanka muruqa ah, halka Hiroki Sakai uu wali ka walwalsan yahay dhibaatada bowdada ee ka soo gaartay kulankii ay la ciyaareen Germany.

Tababaraha xulka qaranka Croatia ee Zlatko Dalic ayaa hal isbadal sameeyay intii lagu jiray saddexdii kulan ee uu xulkiisu ciyaaray heerka guruubyada koobka Adduunka sanadkan, wuxuuna markale ku sii adkaysan karaa isla safkii uu kula ciyaaray Canada iyo Belgium.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

  • Kulankani waxa uu noqon doonaa midkii saddexaad oo ay koobka Adduunka isku arkayaan labadaan xul, Croatia ayaa 1-0 ku adkaaday sanadkii 1998-kii, halka kulankii xigayna ay barbaro goolal la’aan ah (0-0) galeen labada dal, waxaana labada kulanba ay ku tirsanaayeen heerka guruubyada ee Koobka Adduunka.

  • Japan ayaa lagu reebay wareegga 16-ka Koobka Adduunka waxaana reebay Turkiga sanadkii 2002, Paraguay ayaa sidoo kale heerkan ku reebay sanadkii 2010, halka Belgium uu markale 16-ka ku reebay sanadkii 2018-kii, dalalka kaliya ee ka socda Asia oo gaaray siddeed dhammaadka Koobka Adduunka waa North Korea oo tagay sanadkii1966-kii iyo South Korea oo gaaray sanadkii 2002.

  • Xulka Croatia ayaa laga badiyey kaliya hal kulan oo ku tirsan heerka bugbaxa ama knockout-ka Koobka Adduunka, waxaana ay haystaan 4 guul iyo 2 barbaro, waxa ay ku soo gudbeen rigooreyaal labadaas barbaro waxaana labaduba ay dhaceen Koobkii Adduunka ee 2018-kii.

  • Xulka Japan ayaa celcelis ahaan 32% kubbad haysasho samaysay saddexdii kulan ee ay ciyaareen koobka Adduunka, labadii kulan ee ay ka badiyeen Spain iyo Germany waxay ku kala heleen 18% iyo 26% kubbad haysashada.

  • Croatia ayaan laga adkaan sagaal ka mid ah 10-koodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka.

Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee Japan & Croatia:-

Guud ahaan labadaan xul ayaa horay u kulmay saddex goor, laakiin xulka Japan ayaa adkaaday hal kulan, Croatia ayaa isna guul gaaray hal kulan, waxaana ay babraro galeen kulanka kale.

Markii ugu horreysay waxay isku arkeen labadan xul koobka la yiraahdo Kirin Japan Cup sanadkii 1995-kii, halka labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wada ciyaareen labadan dal ay ahaayeen Koobka Adduunka.

Muddadaas saddexda kulan ah xul waliba Japan iyo Croatia waxa uu dhaliyey afar gool.

Saddexda kulanka iyo taariikhda ay ciyaareen labadan dal:-

August 12, 1995: Japan 4-3 Croatia (Kirin Japan Cup)
August 10, 1997: Japan 0-1 Croatia (FIFA World Cup)
March 28, 1999: Japan 0-0 Croatia (FIFA World Cup)

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.

Xulalka: Japan & Croatia.

Garoonka: Al Janoub Stadium.

Garsooraha: Ismail Elfath (USA).

Taariikhda: 05 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Japan: Gonda; Tomiyasu, Taniguchi, Yoshida; Ito; Morita, Tanaka, Nagatomo; Doan, Maeda, Kamada.

Croatia: Livakovic; Juranovic, Lovren, Gvardiol, Sosa; Kovacic, Brozovic, Modric; Kramaric, Livaja, Perisic.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button