2022 FIFA World Cup

Miyuu Raheem Sterling ku soo laaban doonaa dalka Qatar kaddib markii burcad hubaysani ay weerareen Gurigiisa?

Qoyska Raheem Sterling ayaa argagax uu soo wajahay markii iyagoo ku sugan gudaha gurigooda oo ku yaala gudaha England ay soo jabsadeen burcad hubaysan, kuwaasoo qaatay alaabo u badan saacado lagu qiimeeyey 300 oo kun oo gini, xilli xiddigu uu ku sugaa dalka Qatar.

Xiddiga xulka qaranka England ee Raheem Sterling ayaa shalay ka soo tagay dalka Qatar oo uu qarankiisa kala qeyb-galayey Koobka Adduunka kaddib markii kooxo hubaysani ay weerar ku qaadeen gurigiisa ku yaala Ingiriiska.

Terrified fiancée Paige Milian oo 27-sano jir ah oo ah Sterling saaxiibtiis iyo labadeeda carruurta ah ayaa ku suganaa guriga, waxaana ay qaylo afka furatay markii ay kooxdaan burxadda ahi qaateen saacado qiimahoodu dhan yahay 300 oo kun oo gini.

Sterling ayaa u sheegay madaxda FA-ga Ingiriiska inay tahay inuu aado gurigiisa, warkan ah inuu xiddigu ka tagayo Koobka Adduunka ayaana soo shaac baxay wax yar uun ka hor kulankii wareegga 16-ka ee xulka saddexda libaax uu xalay la ciyaaray Senegal.

27-sano jirkaan Sterling oo seegay kulankii xulkiisa England uu xalay ka adkaaday Senegal ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto dalka Qatar, isla markaana uu ka qeyb-qaato kulanka siddeed dhammaadka Koobka Adduunka oo ay Sabtida la leeyihiin France.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate oo ka hadlay xaaladda Sterling qabsatay ayaa ku gaabsaday inuu laacibku la tacaalayo arrin qoys.

Guriga Sterling ee burcaddu u dhacday ayaa ku yaala meel 15-daqiiqo u jirta xarunta tababarka kooxda Chelsea ee Cobham, Surrey, waxaana uu weerarkani dhacay habeenkii Sabtida.

Lama oga in tuugadu ay carareen markii ay ogaadeen in guriga qof ku jiro, waxaana laga yaabaa in kooxdan burcadda ah ay u maleeyeen in Sterling saaxiibtiisa iyo labadeeda Wiil oo da’doodu kala tahay shan jir iyo saddex jir ay weli joogaan dalka Qatar.

Ka hor kulankii ugu horreeyey oo uu ciyaaray xulka qaranka England waxaa baraha bulshada lagu soo bandhigay sawirrada Paige Milian iyo labadeeda wiil oo saaran Markabka dalkiisa ee Magaalada Doha.

Si kastaba ha noqotee, weli si rasmi ah looma xaqiijin in Sterling uu dib ugu soo laaban doono dalka Qatar, isla markaana ka qeyb-qaadan doono kulanka siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee xulkiisu uu Sabtida soo aaddan la leeyihiin France.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda Raheem Sterling dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Eebbe idinkii.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button